HomeCaalamkaAkhriso:-Magacyada Mareykanka oo liiska Argagaxisada ku daray Saraakiil Al-Shabaab

Akhriso:-Magacyada Mareykanka oo liiska Argagaxisada ku daray Saraakiil Al-Shabaab

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dawladda Maraykanka ayaa liiska waxa loogu yeero aragixisada ku dartay laba xubnood oo kale oo ka tirsan taliyayaasha Al-Shabab. Labadan xubnood ayaa Maraykanku u aqoonsadeen argagixiso caalami ah, waxayna kala yihiin Axmed Iimaan Cali iyo Cabdifataax Abuubakar Cabdi waxaana Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku sheegtay inay halis weyn ku yihiin amniga muwaadiniinta Maraykanka, amniga qaranka […]

- Advertisement -

Dawladda Maraykanka ayaa liiska waxa loogu yeero aragixisada ku dartay laba xubnood oo kale oo ka tirsan taliyayaasha Al-Shabab.

Labadan xubnood ayaa Maraykanku u aqoonsadeen argagixiso caalami ah, waxayna kala yihiin Axmed Iimaan Cali iyo Cabdifataax Abuubakar Cabdi waxaana Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku sheegtay inay halis weyn ku yihiin amniga muwaadiniinta Maraykanka, amniga qaranka Maraykanka, siyaasadda arimaha dibedda iyo dhaqaalaha Maraykanka.

- Advertisement -

Maraykanku waxa uu sheegay in Axmed Iimaan Cali uu madax kasoo ahaa garabka Kenya ee ururka Al-Shabab tan iyo sannadkii 2012-kii isla markaana uu agaasimay hawlgallada ururka ee gudaha Kenya, waxaana lagu sheegay warka qoraalka ah ee kasoo wasaaradda arimaha dibedda Maraykanka in hawlgallada uu maleegay ay bartilmaameedsadeen weerarkii lagu qaaday ciidamada Kenya ee magaalada Ceel-Cadde.

Dhinaca kala dawladda Maraykanku waxay sheegtay in sannadkii 2015 Kenya ay liiska argagixisada ku dartay Cabdifataax Abuubakar Cabdi iyadoo la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabab taliyayaashiisa Kenya. Waxa kale uu ku lug lahaa weerraradii dadka badan ku dhinteen ee sannadkii 2014-ka ee lagu qaaday Mpeketoni, Kenya weeraradaasi oo ay ku dhinteen dad ku dhow 60 qof.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories