HomeCaalamkaWasiir Cawad oo la kulmay Safiirka Imaaraat-ka u jooga Soomaaliya

Wasiir Cawad oo la kulmay Safiirka Imaaraat-ka u jooga Soomaaliya

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan kula qaatay xarunta Safaaradda ee Magaalada Muqdisho safiirka dowladda Imaaraat-ka carabta u fadhiya Soomaaliya Amb; Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamaadi. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraat-ka iyo sidii loo sii xoojin lahaa calaaqaadka taariikhiga ah. […]

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan kula qaatay xarunta Safaaradda ee Magaalada Muqdisho safiirka dowladda Imaaraat-ka carabta u fadhiya Soomaaliya Amb; Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamaadi.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraat-ka iyo sidii loo sii xoojin lahaa calaaqaadka taariikhiga ah.

- Advertisement -

Danjire Al-xamaadi ayaa wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya u gudbiyay dhambaal salaan ah oo uu kaga siday dhiggiisa Dalka Imaaraat-ka Cabdala Bin-Zayed Al-Nahyaan iyo wasiiru dowlaha Dalkaasi Dr; Anwar Bin Maxamed Qarqaash, iyagoo u rajeeyay inuu ilaahay ku guuleeyo howlaha horyaalla.

Wasiir Cawad ayaa dhankiisa dowladda Imaaraat-ka kaga mahad celiyay dedaallada joogtada ah ee ay ku taageereyso Soomaaliya, isagoo aad u bogaadiyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Dowladood.

Sidoo kale wasiirka ayaa dowladda Imaaraat-ka ku ammaanay mashaariicda horumarineed ee dhan walba leh ee ay ka waddo Dalka Soomaaliya, gaar ahaan taageerada ay siiso wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories