HomeCaalamkaDad ku dhintay dooni ku degtay xeebaha Liibiya

Dad ku dhintay dooni ku degtay xeebaha Liibiya

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ugu yaraan 10 qof ayaa dhimatay, qaar kalena waa la la’yahay kadib markii dooni ay sarnayeen muhaajiriin ay ku degtay magaalo xebeedka Zuwara ee dalka Liibiya. Saraakiisha laamaha ammaanka ee halkaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in dadki ay doonayeen inay garaan dalka Talyaaniga. Waxaana wali socda baadi goob loogu jiro dadka la la’yahay. Inta Badan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ugu yaraan 10 qof ayaa dhimatay, qaar kalena waa la la’yahay kadib markii dooni ay sarnayeen muhaajiriin ay ku degtay magaalo xebeedka Zuwara ee dalka Liibiya. Saraakiisha laamaha ammaanka ee halkaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in dadki ay doonayeen inay garaan dalka Talyaaniga. Waxaana wali socda baadi goob loogu jiro dadka la la’yahay.

Inta Badan maydadka laga helay magaala xebeedka Al zuwara ee dalka Liibiya ayaa waxaa la sheegay inay ka soo jeedaan Pakistan.

- Advertisement -

War qoraal ah oo madaxa ammaanka ee magaaladaasi uu ku daabacay barta Facebook-ga ayaa lagu sheegay in dadka dhintay ay kamid tahay haweney u dhalatay dalkaasi Liibiya.

Saddex qof oo kale ayaa ka badbaaday doonta rogmatay, waxaana labo kamid ah dadkaasi ay ahayeen muwaadin kale oo u dhashay isla dalka Liibiya, balse ilaa iyo hadda ma cadda xiliga ay doontani ka amba baxday dalkaasi Liibiya, balse saraakiishu waxaa ay sheegayan in sababata doontani ay u quustay ay tahay inay buux dhaaftay.

Waa arrin dhif iyo nadir in shacabka reer Liibiya ay isku dayaan inay ka tallabaan badda mediterean-ka si ay u gallan Yurub, waana arrin ugub ku ah indhaha caalamka in la arko muwaadiniin Liibiya oo ka tallaabaya badda. Dalka Liibiya ayaa in muddo ah kujiray qalalaaso siyaasadeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts