HomeCaalamka5 Qodob oo Soomaaliya ay ka faa’iidday ka qeyb galka Shirka Madaxeedka...

5 Qodob oo Soomaaliya ay ka faa’iidday ka qeyb galka Shirka Madaxeedka Afrika

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galkiisa Shirka 30aad ee Madaxda Afrika  ayaa muhiimad gaar ah lahaa, maadama uu yahay shirkii ugu horreeyey ee Madaxda Afrika ay isugu yimaadeen oo uu ka qeyb galayo Madaxweynuhu tan iyo markii la doortay.

Haddaba Shirkaasi Maxay Soomaaliya ka faa’iiday

- Advertisement -

Soomaaliya markii ugu horreysay ayaa lagu casumay shirka dhaqaalaha wadamada Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA)  oo ka dhici doona dalka Burindi bisha Afaraad ee sanadkan.

Arrinkan ayaa yimi kaddib shir gaar ah ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne K/xigeenka dalka Burundi Gaston Sindimwo.

Shirkan ayaa fursad u noqon doona ganacsatada Soomaalida ah madama Dowladu ay ka qeyb galkeeda ku soo gudbindoonto fursadaha ganacsi ee dalka iyo iskaashiga ganacsatadu ay la sameyn karaan dalalka ku baheynsan uruka dhaqaalaha ee COMESA oo ah dalalka ugu badan ee ay ka shaqeystaan ganacsatada Soomaaliya.

- Advertisement -

Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in isbaheysi ay ka sameysato Afrika oo ku aadan sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka ka dib markii uu soo dhammaado howlagalka AMISOM.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dadaal u galay in Afrika ay ka qeyb qaadato dib u dhiska Ciidanka Qaranka, iyaddoona uu kulamo ku aaddan arrinkan la qaatay Madaxweyneyaasha Dalalka Jabuuti, Suudaan, Yugaandha, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madax kale, taasi oo keentay in Madaxdaasi ay kala hadlaan Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay sidii loo taageeri lahaa dib u dhiska Ciidamada Qaranka.

Aragtida hoggaanka Afrika ay ka aaminsanaayeen dalka ee ahayd in Soomaaliya ay hooy u tahay musuq maasuqa ayuu Madaxweynuhu gaashaanka ku dhuftay, kaddib khudbaddi uu goobta ka jeediyey oo uu ku sheegay in Soomaaliya ay dagaal ballaaran kula jirto la dagaalanka musuq maasuqa iyadoona dhabaha u xaareysa hannaan maamul oo lagu kalsoonaan karo, muddadii koobneyd ee dowladdani ay jirtayna ay ku tallaabsatay guul ku saabsan la dagaalanka musuq maasuqa, oo qaar ka mid ah ay ka markhaanti kaceen beesha caalamka gaar ahaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka.

4.Farriimaha kale ee laga dhix karo ka qeyb galka shirkan ayaa waxaa ka mid ah in Soomaaliya ay sii adkaysatay codka ay ku lahayd go’aan ka gaarista arimaha Qaaradda Afrika, iyadoona Madaxweyne Farmaajo ay ka waa hadleen in badan oo ka mid ah Madaxda Afrika sidii dib loogu habeyn lahaa Hay’adaha iyo shaqada ururka Midowga Afrika taas oo ka tarjumaysa muhiimadda iyo kaalinta Soomaaliya ay kaga jirto ururkan.

Waxaa la dar dar geliyey qorshaha Dowladeed ee ku saabsanaa ilaalinta danaha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Jaaliyadaha ku dhaqan wadamada Afrika oo Madaxweyne Farmaajo uu si gaar ah u gala dar daarmay madaxdii uu la kulmay, sida Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salfakeer Mayaardiit oo uu kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkiisa iyo in la ilaaliyo hantidooda iyo maalkoodaba, iyaguna ay qeyb ka noqdaan horumarka iyo iskaashi wanaagsan oo dhex mara labada dal.

Guud ahaan wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb galay shikan waxa ay muujiyeen fir fircooni iyo biseyl ku saabsanaa arrimihii shirka lagu soo qaatay taas oo noqotay mid ay si weyn u tilmaamaan dadkii indhaha ku hayey Shir Madaxeedka 30aad ee Wadamada Afrika ee Addiis 2018.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories