HomeWararSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah...

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda Afrika

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda ka qeybgalaysa Shir-Madaxeedka 30-aad ee Ururka Midowga Afrika ee ka dhacaya Magaalada Addis Ababa, waxaana uu la kulmay Madaxweyneyaasha waddamo ay Soomaaliya xiriir dhow leeyihiin, iyaga oo ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda ka qeybgalaysa Shir-Madaxeedka 30-aad ee Ururka Midowga Afrika ee ka dhacaya Magaalada Addis Ababa, waxaana uu la kulmay Madaxweyneyaasha waddamo ay Soomaaliya xiriir dhow leeyihiin, iyaga oo ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Xasan Al Bashiir, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Madaxweynaha Ugaandha Mudane Yoweri Museveni, Madaxweyne ku-Xigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn.

- Advertisement -

Madaxweynaha Farmaajo ayaa dhiggiisa Jabuuti uga mahadceliyey dadaalka badan ee uu galiyey dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo garab istaagga ay muujiyaan mar walba. Madaxweyne Geele ayaa dhiniciisa ballan qaaday in ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya isaga oo adkeeyay in la joogo waqtigii la dhisi lahaa Ciidamada Soomaaliyeed, arrintaasna ay Jabuuti kaalin weyn ka qaadan doonto.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Suudaan Cumar Al-bashiir ayaa inta badan looga hadlay dhismaha Hay’adaha Dowladda iyo dib u dhisidda Ciidanka Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay kabsasho fiican sameysay sannadihii ugu dambeeyey, walina ay jiraan qorshayaal la rabo in laga caawiyo sidii loo dhammeystiri lahaa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koonfurta Suudaan kulankii ay yeesheen waxa ay isku soo qaadeen xaaladda Koofurta Suudaan. Si gaar ah Madaxweyne Farmaajo ayaa Mudane Salva Kiir ka wareystay Xaaladda Ganacsatada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Koofurta Suudaan.

- Advertisement -

Madaxweynaha Koofurta Suudaan waxa uu ammaanay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkiisa kunool, waxa uuna sheegay in ay horumarka Koonfurta Suudaan gacan weyn ka geysteen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Ugaandha Mudane Yoweri Museveni iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn, labada Masuul ayuu Madaxweynuhu mid kasta kala hadlay xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa dagaalka lagula jiro argagixisada iyo ka shaqeynta xasilinta Soomaaliya.

Madaxweyne Famaajo waxa uu la kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo in Soomaaliya iyo Burundi ay isdhaafsi ganacsi samaystaan. Mudane Sindimwo ayaa sheegay in Ciidamadooda jooga Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayaan Nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, isagoo sheegay in Madaxda Afrika uu la kulmay ay isku afgarteen in Ciidamada Soomaaliya la taageero.

Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Burundi ayaa ku casumay Madaxweyne Farmaajo shir bisha Abriil ee sannadkan ka dhici doona Burundi, oo ay yeelan doonaan dalalka ku bahoobay Ururka COMESA, Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay casumaaddaas.

Hoos K Dawo Sawirrada kulmada

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts