HomeWararFaah faahin:-Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Faah faahin:-Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wararka aan ka heleyno degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir ayaa wax ay sheegayaan in Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ay ku wada dagaalameen Gudaha degmadaas. Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhacay Goob Jaadka( Qaadka) lagu iibiyo oo ku taalla degmadaas,waxanala sheegay in ciidamada wada dagaalamay ay ka wada tirsan yihiin kuwa Milateriga Soomaaliya . […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir ayaa wax ay sheegayaan in Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ay ku wada dagaalameen Gudaha degmadaas.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhacay Goob Jaadka( Qaadka) lagu iibiyo oo ku taalla degmadaas,waxanala sheegay in ciidamada wada dagaalamay ay ka wada tirsan yihiin kuwa Milateriga Soomaaliya .

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in uu jiro khasaaro dagaalkaas ka soo gaaray dad Shacab ah oo ku sugnaa Goobta uu dagaalka ka dhacay,islamarkaana Haweeney Ganacsato aheyd ay ku geeriyootay.

Xaalada Goobtii uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa haatan ah mid degan,waxaana Wariyayaal ku sugan degmada Kaaraan ay soo sheegayaan in ay Gobta gaareen Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid kuwaas oo amniga xaqiijinaya.

Weli Maamulka degmada Kaaraan kama hadlin dagaalkaas,waxana todobaadyadii u dambeeyay Muqdisho ku soo batay dagaalka dhexmara Ciidamada ka wada tirsan dowladda,iyada oo xalay ay u dambeysay ay ku dagaalameen degmada Shibis ee Gobolkaan Banaadir.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts