HomeWararSawirro:-Madaxweyne Farmaajo"Socdaalkeyga Nabadeed waxaa Calaamad u ah heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna"

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo”Socdaalkeyga Nabadeed waxaa Calaamad u ah heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ku maraya deegaannada ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shalay gaaray Degmada Cabudwaaq. Madaxweynaha oo ka soo ambabaxay magaalada Guriceel ayaa isaga iyo wafdigiisa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay Degmada Balanballe, Xeraale iyo Huurshe oo ka tirsan gobolka Galguduud. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ku maraya deegaannada ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shalay gaaray Degmada Cabudwaaq.

Madaxweynaha oo ka soo ambabaxay magaalada Guriceel ayaa isaga iyo wafdigiisa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay Degmada Balanballe, Xeraale iyo Huurshe oo ka tirsan gobolka Galguduud.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahadceliyey dhammaan shacabkii isugu soo baxay deegaannada uu socdaalka ku soo maray, isagoona kula dardaarmay in ay ilaashadaan midnimadooda iyo wada jirkooda.

Madaxweyne Farmaajo oo goob fagaare ah kula hadlay shacabka ku dhaqan magaalada Cabudwaaq ayaa yiri “Waxa uu socdaalkeennu yahay nabadeeyn iyo dib u heshiisiin taas oo ay calaamad u tahay midowga Ahlu Sunna iyo Dowlad Goboleedka Galmudug. Waxaan ku faraxsanhy sida ay labada dhinac isugu tanaasuleen. Runtii taas waa wax lagaga dayan karo, ayna tahay in ay magaaladan ka bilaabato.”

Madaxweynaha oo safar kusoo maray Degmada Balanballe, Xeraale iyo Huurshe ayaa u sheegay shacabkii isugu soo baxay soo dhaweyntiisa in horumar kasta oo laga hirgelinayo deegaannadan uu ku xiranyahay sida ay uga wada shaqeeyaan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labadii toddobaad ee u dambeysay waxa uu socdaal ku marayey qeybo ka mid ah Goballada Nugaal, Bari, Mudug iyo Galguduud, isagoona u kuur galayey baahiyaha nololeed ee bulshada ku dhaqan gobolladaas.

Socdaalka Madaxweynaha waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts