HomeCaalamkaKenya oo adkeysay amaanka deegaanada Gobolka Waqooyi Bari

Kenya oo adkeysay amaanka deegaanada Gobolka Waqooyi Bari

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay iney feejignaan dheeri ah ay geliyeen Ciidamada amaanka Waqooyi bari Kenya ka dib markii Kenya ay ka war heshay dagaalyahano ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo weerar la damacsan Gobolkaasi. Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa lagu xoojiyay deegaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay iney feejignaan dheeri ah ay geliyeen Ciidamada amaanka Waqooyi bari Kenya ka dib markii Kenya ay ka war heshay dagaalyahano ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo weerar la damacsan Gobolkaasi.

Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa lagu xoojiyay deegaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera iyo deegaankaasi.

- Advertisement -

Sarkaalka u hadlay Booliska Mandheera oo lagu magacaabo Daniel Bundotich,ayaa warbaahinta Kenya u sheegay iney doonayaan iney xakameeyaan weerarada kaga yimaada Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ee Gobolka Waqooyi bari,sidaasi daraateedna Ciidamo badan aan ku geynay deegaano duleedka ka ah degmada Mandheera si looga hortago falal lidi ku ah amaanka oo ka yimaada Al-Shabaab”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Daniel Bundotich.

Dagaalyahano looga shakisan yahay Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ayaa talaadadii la soo dhaafay dilay afar sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya oo roondeynayay wadada Elwak-Kotulo oo ka tirsan degmada Mandheera.

Ciidamo Booliska iyo Militariga loo diyaariyay ka hortaga weerarada Al-Shabaab ayay Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ay sheegeen iney aad u hubeysan yihiin,kuwaasoo u dhameystiran Qalabkooda Ciidan.

- Advertisement -

Dowladda Kenya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay uga taqalusi lahayd Argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaleysanaya Keymaha Boni ee dhulka xeebta Kenya,waxaana Ciidamada Difaaca Kenya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ay howlgal ka wadaan deegaanadaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts