HomeCaalamkaMilateriga Nayjeeriya oo ka hortegay weerar kaga yimid Kooxda Boko Xaraam

Milateriga Nayjeeriya oo ka hortegay weerar kaga yimid Kooxda Boko Xaraam

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Weerarrada ayaa ka dhacay meel u dhow xudduudda dalka Niger. Mintidiintan la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Boko Xaraam ayaa bartilmaameedsaday saldhig milateri oo ku yaalla magaalada Kanamma ee gobolka Yobe. Dad tuulo-joog ayaa iyagana la bartilmaameedsaday sida ay wararku sheegayaan. Laakinse taliyaha milateriga Nayjeeriya ee dagaalka kula jira kacdoonka Boko Xaraam ee gobolka, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Weerarrada ayaa ka dhacay meel u dhow xudduudda dalka Niger.

Mintidiintan la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Boko Xaraam ayaa bartilmaameedsaday saldhig milateri oo ku yaalla magaalada Kanamma ee gobolka Yobe.

- Advertisement -

Dad tuulo-joog ayaa iyagana la bartilmaameedsaday sida ay wararku sheegayaan.

Laakinse taliyaha milateriga Nayjeeriya ee dagaalka kula jira kacdoonka Boko Xaraam ee gobolka, Sarreeye gaas Nicholas Rogers, ayaa BBC u sheegay in qolyihii weerarka soo qaaday la waabiyey.

Wuxuu sheegay in aysan weli qiimayn khasaaraha, ka dib dagaal dhowr saacadood ka socday meel lama degaan ah.

- Advertisement -

Waxaa kaloo jiray weerarro ay qaadeen rag loo malaynayo inay kooxaha kacdoonka wada ka tirsan yihiin, oo ay ku qaadeen tuulada Maiwa oo u dhow magaalada Maiduguri ee gobolka jaarka la ah Borno.

Ugu yaraan afar qof ayaa halkaa ku dhintay Sabtidii.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts