HomeCaalamkaMaraykanka iyo Uganda oo ka wada hadlay ammaanka Soomaaliya

Maraykanka iyo Uganda oo ka wada hadlay ammaanka Soomaaliya

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Patrick Shanahan iyo Wasiirka Difaaca ee Uganda, Adolf Mwesige waxay shalay Kulan Khaas ah ku yeesheen magaalladda FANKUFAR ee dalka Kanada, oo ay kaga qeyb galeen Shirka Wasiiradda Difaaca Caalamka ee looga hadlay Hawlaha QM ee Nabad-ilaalinta sannadkan 2017-ka. Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Patrick Shanahan waxa uu […]

- Advertisement -

Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Patrick Shanahan iyo Wasiirka Difaaca ee Uganda, Adolf Mwesige waxay shalay Kulan Khaas ah ku yeesheen magaalladda FANKUFAR ee dalka Kanada, oo ay kaga qeyb galeen Shirka Wasiiradda Difaaca Caalamka ee looga hadlay Hawlaha QM ee Nabad-ilaalinta sannadkan 2017-ka.

Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Patrick Shanahan waxa uu sheegay inay Dowladda Mraaykanka garwaaqsan tahay dadaalka ay Uganda 10-kii sanno ee la soo dhaafay ugu jirto Hawlaha Nabadda Somalia iyo khasaaraha Ciiddankooda ka soo gaaray Hawlgalka AMISOM.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku  daray inuu og yahay inay Ciiddanka Uganda naftooda ku waayeen Hawlgalaka ay ka wadaan gudaha Somalia.

Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Patrick Shanahan iyo Wasiirka Difaaca ee Uganda, Adolf Mwesige waxay kaloo ka wada hadleen qaabka ugu wanaagsan ee lagu taageeri karo Dhaqaaqa Hawlgalka AMISOM sidii dalka Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo Deganaansho.

Labada Hoggaamiye waxay kaloo wada hadleen sidii loo xaqjiin lahaa Iskaashiga Wasaaradaha Difaaca ee Maraykanka iyo Uganda ee  lagu horumarinayo Ammaanka Gobalka ee Bariga Afrika.

- Advertisement -

Kulanka Patrick Shanahan iyo Adolf Mwesige waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Dowladda Maraykanka ka codsatay Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia inaysan Ciiddankooda kala bixin Somalia, waxayna Maraykanka u ballan qaadeen Hawlgalka AMISOM inay ka taageeri doonaan dhinacyada Dhaqaalaha, Qalabka iyo Loojistikada.

Taliska AMISOM ayaa horey u sheegay qorshaha ay Ciiddanka AMISOM kaga bixi doonaan Somalia, kaasi oo lagu wado inuu bilowdo dabayaaqadda bisha soo socota ee December.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories