HomeCaalamkaMaraykanka iyo Uganda oo ka wada hadlay ammaanka Soomaaliya

Maraykanka iyo Uganda oo ka wada hadlay ammaanka Soomaaliya

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Patrick Shanahan iyo Wasiirka Difaaca ee Uganda, Adolf Mwesige waxay shalay Kulan Khaas ah ku yeesheen magaalladda FANKUFAR ee dalka Kanada, oo ay kaga qeyb galeen Shirka Wasiiradda Difaaca Caalamka ee looga hadlay Hawlaha QM ee Nabad-ilaalinta sannadkan 2017-ka. Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Patrick Shanahan waxa uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Patrick Shanahan iyo Wasiirka Difaaca ee Uganda, Adolf Mwesige waxay shalay Kulan Khaas ah ku yeesheen magaalladda FANKUFAR ee dalka Kanada, oo ay kaga qeyb galeen Shirka Wasiiradda Difaaca Caalamka ee looga hadlay Hawlaha QM ee Nabad-ilaalinta sannadkan 2017-ka.

Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Patrick Shanahan waxa uu sheegay inay Dowladda Mraaykanka garwaaqsan tahay dadaalka ay Uganda 10-kii sanno ee la soo dhaafay ugu jirto Hawlaha Nabadda Somalia iyo khasaaraha Ciiddankooda ka soo gaaray Hawlgalka AMISOM.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku  daray inuu og yahay inay Ciiddanka Uganda naftooda ku waayeen Hawlgalaka ay ka wadaan gudaha Somalia.

Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Patrick Shanahan iyo Wasiirka Difaaca ee Uganda, Adolf Mwesige waxay kaloo ka wada hadleen qaabka ugu wanaagsan ee lagu taageeri karo Dhaqaaqa Hawlgalka AMISOM sidii dalka Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo Deganaansho.

Labada Hoggaamiye waxay kaloo wada hadleen sidii loo xaqjiin lahaa Iskaashiga Wasaaradaha Difaaca ee Maraykanka iyo Uganda ee  lagu horumarinayo Ammaanka Gobalka ee Bariga Afrika.

- Advertisement -

Kulanka Patrick Shanahan iyo Adolf Mwesige waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Dowladda Maraykanka ka codsatay Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia inaysan Ciiddankooda kala bixin Somalia, waxayna Maraykanka u ballan qaadeen Hawlgalka AMISOM inay ka taageeri doonaan dhinacyada Dhaqaalaha, Qalabka iyo Loojistikada.

Taliska AMISOM ayaa horey u sheegay qorshaha ay Ciiddanka AMISOM kaga bixi doonaan Somalia, kaasi oo lagu wado inuu bilowdo dabayaaqadda bisha soo socota ee December.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts