HomeCaalamkaDEGDEG: Millateriga Zimbabwe oo la wareegay Talada dalkaasi , balse beeniyey Afgembi+Sawirro

DEGDEG: Millateriga Zimbabwe oo la wareegay Talada dalkaasi , balse beeniyey Afgembi+Sawirro

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Waaberigii hore ee saakayto ayey Milliteriga dalkaasi waxay la wareegeen Talada dalkaasi, waxayna Gaadiidka Gaashaaman ku go’doomiyeen dhamaan Xafiisyadda Dowladda, Dhismaha Barlamaanka iyo Maxkamadda Sare ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Harare. War ay Milliteriga soo saareen, lagana sii daayey Telefishinka Qaranka ayey ku sheegeen inay beegsanayaan Dembiilayaasha ku hareeraysan Madaxweynaha da’da ah ee Robert […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waaberigii hore ee saakayto ayey Milliteriga dalkaasi waxay la wareegeen Talada dalkaasi, waxayna Gaadiidka Gaashaaman ku go’doomiyeen dhamaan Xafiisyadda Dowladda, Dhismaha Barlamaanka iyo Maxkamadda Sare ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Harare.

War ay Milliteriga soo saareen, lagana sii daayey Telefishinka Qaranka ayey ku sheegeen inay beegsanayaan Dembiilayaasha ku hareeraysan Madaxweynaha da’da ah ee Robert Mugabe.

- Advertisement -

Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay in Madaxweynaha oo 93-jir iyo Qoyskiisa bad-qabaan

Madaxweyne Zimbabwe iyo Xaaskiisa Grace Mugabe  oo rajeynayso inay Xilka kala wareegto Ninkeeda ayaan la arkin ama la maqlin halka ay ku dambeeyeen.

Wasiirkii Maaliyadda ee dalkaasi,  Ignatius Chombo oo hoggaamiyaGarabka G40 ee Xisbiga ZANU PF ee haya Talada dalkaasi ayaa la sheegay inay Ciiddanku Xabsiga dhigeen.

- Advertisement -

Sarreeye Gaas SB Moyo oo ah Taliyaha Guud ee Loojistikada oo ka hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay inay Ciiddanka begsanayaan Dembiilayaasha ku hareeraysan Madaxweyne Mugaabe, kuwaasi oo uu ku eedeeyey inay galayaan Dembiyo dhibaataynaya Dhaqaalaha iyo Bulshadda Zimbabwe.

Wuxuuna intaasi ku daray in Dembiilayaasha la hor geyn doono Caddaalada..

“Isla marka aan dhamayno Hawlgalkaasi, waxaan rajeynaynaa inay Xaalladu caadi noqon doonto”ayuu yiri Jeneral SB Moyo.

Dhaqdhaqaaqa Mucaaradka ee Isbedel-doonka  Zimbabwe (Movement for Democratic Change) waxay ku baaqeen in si nabad ah loo soo celiyo Dastuurka Dimuqraadiyadda, waxayna rajo ka muujiyey inay Faragelinta Milliteriga horseedi doonto Asaaska Deganaansho, Dimuqraadiyad iyo Horukaca Qaranka.

Madaxweyne Mugabe oo loogu yeero  Odayga ugu weyn Siyaasiyiinta Afrika waxa uu dalka Zimbabwe xukumay muddo 37-sanno.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts