HomeCaalamkaAl-Shabaab oo la sheegay inaysan wax Taageero ka helin Eritrea

Al-Shabaab oo la sheegay inaysan wax Taageero ka helin Eritrea

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Danjiraha Dolwadda Britain u jooga QM, Matthew Rycroft ayaa sheegay inaysan jirin wax caddaymo ah oo muujinaya inay Xarakadda Alshabaab taageero Hub ah ka helaan Dowladda Eritrea oo horey loogu eedeeyey arrintaasi. Danjiraha oo xalay ka maqnaa Kulankii Golaha Ammaanka ee QM ugu codeeyeen muddo-kordhinta Debcinta Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia ayaa u sheegay WargeyskaInner City Press ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Danjiraha Dolwadda Britain u jooga QM, Matthew Rycroft ayaa sheegay inaysan jirin wax caddaymo ah oo muujinaya inay Xarakadda Alshabaab taageero Hub ah ka helaan Dowladda Eritrea oo horey loogu eedeeyey arrintaasi.

Danjiraha oo xalay ka maqnaa Kulankii Golaha Ammaanka ee QM ugu codeeyeen muddo-kordhinta Debcinta Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia ayaa u sheegay WargeyskaInner City Press ee ka soo baxa Maraykanka in loo baahan yahay in Eritrea laga qaado Cunaqabataynta, maadaama an wax caddayn ah loo haynin inay taageeraan Alshabaab.

- Advertisement -

Wuxuuna is-weydiiyey haddii aan la haynin Caddaynta, maxaa loo kala qaadi lahaa Cunaqabataynta saaran Somalia iyo Eriteria, si Eritrea nadiif uga noqoto Xayiraadaasi.

Danjirajha UK u jooga QM waxa kale oo uu sheegay in lagu guul-daraystay in la kala qaado Labada Qaddiyadood , wuxuuna hoosta ka xariiqay inaysan Dowladiisa ka soo horjeedin in la kala qaado Xayiraadda Somalia iyo midda Eritrea.

“6 bilood ka hor, Golaha Ammaanka wey ku kala qeybsameen Cunaqabataynta saaran Eriteria in la qaado iyo in kale, iyadoo haatan la rajeynayo inay wax badan la samayn doono” ayuu yiri Danjiraha UK u jooga QM.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Kulankii xalay ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu muujiyey inaysan jirin wax caddaymo ah oo muujinaya inay Alshabaab taageero ka helaan Dowladda Eritrea.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts