HomeCaalamkaAl-Shabaab oo la sheegay inaysan wax Taageero ka helin Eritrea

Al-Shabaab oo la sheegay inaysan wax Taageero ka helin Eritrea

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Danjiraha Dolwadda Britain u jooga QM, Matthew Rycroft ayaa sheegay inaysan jirin wax caddaymo ah oo muujinaya inay Xarakadda Alshabaab taageero Hub ah ka helaan Dowladda Eritrea oo horey loogu eedeeyey arrintaasi. Danjiraha oo xalay ka maqnaa Kulankii Golaha Ammaanka ee QM ugu codeeyeen muddo-kordhinta Debcinta Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia ayaa u sheegay WargeyskaInner City Press ee […]

- Advertisement -

Danjiraha Dolwadda Britain u jooga QM, Matthew Rycroft ayaa sheegay inaysan jirin wax caddaymo ah oo muujinaya inay Xarakadda Alshabaab taageero Hub ah ka helaan Dowladda Eritrea oo horey loogu eedeeyey arrintaasi.

Danjiraha oo xalay ka maqnaa Kulankii Golaha Ammaanka ee QM ugu codeeyeen muddo-kordhinta Debcinta Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia ayaa u sheegay WargeyskaInner City Press ee ka soo baxa Maraykanka in loo baahan yahay in Eritrea laga qaado Cunaqabataynta, maadaama an wax caddayn ah loo haynin inay taageeraan Alshabaab.

- Advertisement -

Wuxuuna is-weydiiyey haddii aan la haynin Caddaynta, maxaa loo kala qaadi lahaa Cunaqabataynta saaran Somalia iyo Eriteria, si Eritrea nadiif uga noqoto Xayiraadaasi.

Danjirajha UK u jooga QM waxa kale oo uu sheegay in lagu guul-daraystay in la kala qaado Labada Qaddiyadood , wuxuuna hoosta ka xariiqay inaysan Dowladiisa ka soo horjeedin in la kala qaado Xayiraadda Somalia iyo midda Eritrea.

“6 bilood ka hor, Golaha Ammaanka wey ku kala qeybsameen Cunaqabataynta saaran Eriteria in la qaado iyo in kale, iyadoo haatan la rajeynayo inay wax badan la samayn doono” ayuu yiri Danjiraha UK u jooga QM.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Kulankii xalay ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu muujiyey inaysan jirin wax caddaymo ah oo muujinaya inay Alshabaab taageero ka helaan Dowladda Eritrea.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories