HomeWararDhageyso:-Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada Dastuurka BFS, oo heshiis kala saxiixday+Sawirro

Dhageyso:-Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada Dastuurka BFS, oo heshiis kala saxiixday+Sawirro

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga kor-joogteynta dib-u-eegusta dastuurka ee labada Aqal, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista iyo hergalinta Dastuurka ayaa maanta kala saxiixday heshiis wadashaqayn ah si loo dar-dargeliyo Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka. Munaasabadii lagu kala saxiixday heshiiska waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, iyo Ku-simaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga kor-joogteynta dib-u-eegusta dastuurka ee labada Aqal, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista iyo hergalinta Dastuurka ayaa maanta kala saxiixday heshiis wadashaqayn ah si loo dar-dargeliyo Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka.

Munaasabadii lagu kala saxiixday heshiiska waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Aqalka Sare ahna Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad.

- Advertisement -

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in ay la shaqeeyso Guddiyada hawsha Qaran ay kala dhaxeeyso, waxa uuna ballanqaaday in heshiiskan ay Wasaaradda ku dhaqmi doonto.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Guddiga Kor-joogteynta Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan Avv Maxamed Cabdalla Saalax ayaa si wadajir ah dhankooda u ballanqaaday in ay heshiiska ku shaqayn doonaan.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh Cusmaan, RW Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre, RW Ku-Xigeenka Mahdi Gulleed Khadar, iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Abshir Bukhaari ayaa Wasaaradda iyo Guddiyada waxa ay ku bogaadiyeen sida ay u soo diyaariyeen heshiiska islamarkaana u ballanqaadeen in ay dhaqangelin doonaan.

- Advertisement -

Gabagabadii, heshiiskan ayaa wadada u xaari doona ka mira-dhalinta dedaalka lagu dhameeystirayo Dastuurka qabyada ah oo ay dawladda Soomaaaliya horay u ballanqaaday.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Wasiir Xoosh iyo Cabdi Qeybdiid.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts