HomeCaalamkaUganda oo sheegtay inay Ciiddankeeda kala baxayso Somalia

Uganda oo sheegtay inay Ciiddankeeda kala baxayso Somalia

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Milliteriga Ugnda ayaa shalay ku dhawaaqay inay Ciiddankooda kala baxaan Somalia marka la gaaro dabayaaqada bisha soo socota ee December, sida uu ahaa Xilliga ay Ururka Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee QM go’aamiyeen. Afhayeenka Milliteriga Uganda, Richard Karemire ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA inuu qorshaha daad-gureynta lagu salaynayo dhimista tirada Ciiddanka dagaalama ee […]

- Advertisement -

Milliteriga Ugnda ayaa shalay ku dhawaaqay inay Ciiddankooda kala baxaan Somalia marka la gaaro dabayaaqada bisha soo socota ee December, sida uu ahaa Xilliga ay Ururka Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee QM go’aamiyeen.

Afhayeenka Milliteriga Uganda, Richard Karemire ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA inuu qorshaha daad-gureynta lagu salaynayo dhimista tirada Ciiddanka dagaalama ee Uganda ee qeybta ka Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo tiradood ka badan tahay 6,000 oo Askari.

- Advertisement -

Afhayeenka Milliteriga Uganda waxa kale oo uu tilmaamay in La-bixidda CiiddankaAMISOM xitaa soo dedejinayso Awoodda ay Ciiddanka Ammaanka Qaranka Somalia u yeelan doonaan inay la wareegaan mas’uuliyadda Ammaanka ee dalkodoa hooyo.

Waxa uu intaasi ku daray ina Ciiddanka Somalia weli ku korayaan taageeradda AMISOM iyo Saaxiibadda kale, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Dowladaha kale ee ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia ayaa ku hawlan qorshaha ay ku dhimi lahaayeen Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

- Advertisement -

Wakiilka Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira  waxa uu Talaadadii hore sheegay Qorshaha Ka-bixitaanka AMISOM ee Somalia, wuxuuna tilmaamay in 1,000 Askari oo ka tirsan AMISOM la filayo in bisha soo socota laga daad-gureeyo Somalia.

Somalia waxaa haatan ku sugan  22,000 Askar Nabad-ilaalin ah oo ka kala socda dalalka Jabuuti, Uganda, Kenya, Burundi iyo Ethiopia, kuwaasi oo qeyb ah Hawlgalka AMISOM ee 10-sanno jirsaday.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories