HomeCaalamkaMasar oo ka digtay Faragelinta ay Ciiddamadda Shisheeyaha ku hayaan Ammaanka...

Masar oo ka digtay Faragelinta ay Ciiddamadda Shisheeyaha ku hayaan Ammaanka Somalia

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Mudanayaasha Barlamaanka dalka Masar waxay shalay yeesheen Shir ay kaga hadleen Xaalladda dalka Somalia, Dhaqdhaqqayadda ay DFS ku tallaabsatay iyo Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Arrimaha Somalia. Shirkaasi waxaa guddoomiyey Guddoomiyaha Guddiga Aqalka Wakiilladda (Senedka) Masar ugu qaabilsan Arrimaha Carabta, Sarreeye Gaas Sacad Al-jamaal, waxayna Xildhibaanadda is-tusaaleeyeen inaysan joogsan doonin Khatarta Faragelinta lagu hayo Arrimaha Gudaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Mudanayaasha Barlamaanka dalka Masar waxay shalay yeesheen Shir ay kaga hadleen Xaalladda dalka Somalia, Dhaqdhaqqayadda ay DFS ku tallaabsatay iyo Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Arrimaha Somalia.

Shirkaasi waxaa guddoomiyey Guddoomiyaha Guddiga Aqalka Wakiilladda (Senedka) Masar ugu qaabilsan Arrimaha Carabta, Sarreeye Gaas Sacad Al-jamaal, waxayna Xildhibaanadda is-tusaaleeyeen inaysan joogsan doonin Khatarta Faragelinta lagu hayo Arrimaha Gudaha ee Somalia iyo Maleshiyooyinka isku ballaarinayo guud ahaan dalka Somalia, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

Xildhibaanadda Barlamaanka Masar waxay kaloo farta ku fiiqeen  in Faragelinta sii socota ee Ciiddamada Nabad-ilaalinta Afrikaanka, kuwa Caalamiga ee jooga Somalia iyo dalalka Saldhigyada Milliteri ku leh Somalia, oo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Turkiga inay caqabad weyn ku yihiin Deganaanshaha Somalia iyo  Xuduudaha dhuleed ee Qraanka Somalia.

Hadalka qoraalka ee ka soo baxay Barlamaanka dalka Masar waxa kaloo lagu soo hadal qaaday guusha laga gaaray Doorashadii Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Faramaajo, Safarkii uu ku tegay Masar iyo dadaalkiisa ku aadan Soo-celinta Deganaanshaha Somalia, inkastoo ay weli jiraan caqabado badan ee ka soo wajahayo dhinacyada Ammaanka, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

Dhinaca kale, Qoraalka waxaa lagu soo dhaweeyey Dhismaha Xukuumadda Federalka Somalia, Dib-u-dhiska Hay’adaha Dowladda iyo La-dagaalanka Musuqa iyo Hawlgalka dagaalka Alshabaab.

- Advertisement -

.Qoraalka Khaaska ee ka soo baxay Barlamaanka Masar waxaa kaloo lagu muujiyey Iskaashiga Dowladaha Somalia iyo Masar ee danta u ah labada Shacab, gaar ahaan Iskaashiga dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Maalgashiga, Ganacsiga, iyo Wershadaha.

Ugu dambeyntii, Xildhibanaadda Barlamaanka Masar waxay qoraalkooda ku sheegeen inay cambaaraynayaan Qaraxyadii soo noqnoqday ee ka dhacay magaalladda Muqdisho, oo ay Boqolaal qof ku geeriyootay, kuna dhaawacmeen.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts