HomeCaalamkaAMISOM oo Bandow soo rogtay Xerada Xalane iyo 1,500 Shaqaale Soomaali...

AMISOM oo Bandow soo rogtay Xerada Xalane iyo 1,500 Shaqaale Soomaali ah oo uu saamayn doono

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Hadal Qoraal oo ka soo baxay Taliska Hawlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in aysan Muwaadiniinta Soomaalida ee ka dhex shaqeeya Xeradda Saldhigooda Xalane soo geli Karin Xeradaasi laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay Nov. 9  ilaa laga gaarayo bishan  13-da. Nuqul ka mid ah Qoraalkaasi oo Radio Dalsan la soo gaarsiiyey ayaa lagu sheegay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hadal Qoraal oo ka soo baxay Taliska Hawlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in aysan Muwaadiniinta Soomaalida ee ka dhex shaqeeya Xeradda Saldhigooda Xalane soo geli Karin Xeradaasi laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay Nov. 9  ilaa laga gaarayo bishan  13-da.

Nuqul ka mid ah Qoraalkaasi oo Radio Dalsan la soo gaarsiiyey ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka AMISOM Hawlgal dhinaca Ammaanka ka fulin doona gudaha iyo deegaanadda ku hareeraysan Xeradooda Xalane.

- Advertisement -

Go’aanka Muwaadiniinta Soomaalida looga mamnuucay gudaha Xeradda AMISOM ayaa waxay isugu jiraan Shaqaalaha Dhismaha, kuwa Gaadiidka Xamuulka, Xarumo Ganacsi, Geerashka Gaadiidka lagu dhaqo, iyo Shaqaalaha ka shaqeeya Kushiinka Weyn ee ku yaalla Sector 1.

Dhinaca kale, Qoraalka waxa uu si toos ah ugu socotay Dhamaan Xaruumaha Dhexe ee AMISOM,  Dhamaan La-hawlayaasha AMISOM,  Dhamaan Shirkaddaha MIA Companies,  Dhamaan shaqaalaha Dukaanka Kheyraadka Badda, Dhamaan Shaqaalaha Dukaanka Garoonka Diyaaradaha, Dhamaan Shaqaalaha Garaashka Dhaqista Gaadiidka,  Dhamaan Shaqaalaha Kushiinka Weyn ee Qeybta 1-aad (Sector 1)) iyo Dhamaan Shaqaalaha Dukaamada kale.

Dhinaca kale, Qoraalka AMISOM waxaa lagu sheegay in inta ay socdaan Hawlgalka Ammaanka in Bandow la soo rogay, waxaana Safaaradaha, Shaqaalaha Ajaaniibta, Qandaraasleyda, Shirkadaha, Dukaanleyda laga codsaday qoddobo ay ka mid yihiin::

- Advertisement -

1- Inay xisaabiyaan Gaadiidka Yaryar iyo Waa Weyn ee dhex yaalla Xeradda Saldhigga ee AMISOM.

2-Waa inay Gaadiidkooda ku dhejiyaan Taarikada Cusub ee sannadka 2018-ka,

3- Waa Inay Shirkadaha keenaan dhamaan Xogta Warbixintii ugu dambeysay ee Shaqaalaha Soomaalida iyo kuwa Ajaaniibta dalalka ay u kala dhasheen.

4-Hoteellada ayaa laga dalbaday inay maalin kasta si joogto ah u soo gudbiyaan  Liiska Macaamiisha, Qolalka ay kala deggan yihiin iyo waxa ay Shaqadoodu tahay.

5- Waa in Ciiddanka AMISOM loo oggolaado inay Eeyo u adeegsadaan inay baaraan Guryaha iyo Dhismayaasha, si loo ogaado haddii ay jiraan waxyaabo qarxa oo qarsoon oo yaalla  gudaha Dhismayaashaasi.

6- Inta uu Bandowgu socdo, Waa in gebi ahaan dhamaan Ballamada dhinaca Shaqada, xitaa kuwa Ballamada hore ahaa.

Si kastaba ha ahaatee, Bandowga ay AMISOM ku soo rogeen Xeradda Saldhigga u ah iyo Garoonka Diyaaradaha waxa uu saamayn doonaa ilaa 1,500 Shaqaale u badan Xoogsato oo si maalinle ah uga shaqeeyn jirey Xarunta Dhexe ee AMISOM.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts