HomeCaalamkaUganda iyo Jarmalka oo ka wada hadlay sidii loo taageeri lahaa AMISOM

Uganda iyo Jarmalka oo ka wada hadlay sidii loo taageeri lahaa AMISOM

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri ayaa ugu baaqay Dowladda Jarmalka inay taageero ka geystaan sidii dhaqaale loogu taageeri lahaa Hawlgalka Ciiddanka AMISOM ka wadaan Somalia. Yoweeri ayaa hadalkaasi ka jeediyey mar uu Aqalka Madaxtooyadda ee Entebe kula kulmay Danjiraha Cusub ee Jarmalka u joogi doona Uganda, Dr Albarejti Konse. Inta uu socday Kulankaasi waxa uu Madaxweyne Museveni […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri ayaa ugu baaqay Dowladda Jarmalka inay taageero ka geystaan sidii dhaqaale loogu taageeri lahaa Hawlgalka Ciiddanka AMISOM ka wadaan Somalia.

Yoweeri ayaa hadalkaasi ka jeediyey mar uu Aqalka Madaxtooyadda ee Entebe kula kulmay Danjiraha Cusub ee Jarmalka u joogi doona Uganda, Dr Albarejti Konse.

- Advertisement -

Inta uu socday Kulankaasi waxa uu Madaxweyne Museveni ugu baaqay Dowladda Jarmalka inay taageero ka geystaan Xaalladda Ammaanka ee Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Uganda doonayso inay caawiyaan Somalia, balse ay dhibaato ku qabaan Kheyraadka Maaliyadda ee Hawlgalkaasi.

“Somalia waxay haatan u yara eg tahay inay Ciiddamo joogaan gudaha iyo dibedda” ayuu yiri Museveni.

- Advertisement -

Baaqa Taageeradda ee uu Museveni ka codsaday Dowladda Jarmalka ayaa soo baxay, dhowr maalin kadib, markii uu Ururka Midowga Afrika shaaciyey inay dabayaaqada sannadkan la bixi doonaan 1,000 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ee ku sugan Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Uganda waxaa Somalia ka jooga in ka badan 6,000 oo Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories