HomeCaalamkaTirada Maleeshiyadda Kooxda Daacish ee Waqooyiga Somalia oo sii kordhaysa

Tirada Maleeshiyadda Kooxda Daacish ee Waqooyiga Somalia oo sii kordhaysa

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Warbixin ay soo saareen Khubaro ka tirsan QM, oo ay Wakaalladda Wararka REUTERS  aragtay ayaa lagu muujiyey inay sii kordhayso Tirada Maleeshiyadda ku biirayso Kooxda Daacish-ta Somalia ee uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin oo  dhawaan ka badbaaday duqeyn ka dhacday duleedka Degmadda Qandala. Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inay Maleeshiyaddaasi tobaneeyo ahaayeen sannadkii hore, balse […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warbixin ay soo saareen Khubaro ka tirsan QM, oo ay Wakaalladda Wararka REUTERS  aragtay ayaa lagu muujiyey inay sii kordhayso Tirada Maleeshiyadda ku biirayso Kooxda Daacish-ta Somalia ee uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin oo  dhawaan ka badbaaday duqeyn ka dhacday duleedka Degmadda Qandala.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inay Maleeshiyaddaasi tobaneeyo ahaayeen sannadkii hore, balse haatan ay gaareen ilaa 200 oo Dagaalyahan.

- Advertisement -

Kororka xubnaha Kooxdaasi ayaa laga digay inay fududeyn karto in Maleeshiyadda Daacish ee ka soo cararayo dalalka Syria iyo Iraq ay gabaad ka dhigtaan W/bari ee Somalia.

 

Ilo dhinaca Ammaanka oo ku sugan Gobalka ayaa sheegay inay dhowr boqol oo Maleeshiyo hubeysan wax u dhimi karaan Deganaanshaha Gobalka.

- Advertisement -

Ilahaasi waxay kaloo sheegeen in Duqeyntii Maraykanka Jimcihii hore ku qaadeen Kooxda Daacish-ta Somalia ay muujinayso in Xaalladda noqon karto mid aad iyo aad u khatar badan.

Sidoo kale, Warbixinta QM ayaa lagu sheegay in Maleeshiyadda Daacish-ta ku sugan Puntland badankooda yihiin Soomaali, waxaana la rumeysan yahay inuu Kooxdaasi ka tirsan Nin u dhashay dalka Sudan oo ay Dowladda Maraykanka cunaqabatayn ku soo rogtay.

Ma cadda in Ninkaasi uu ahaa Ninkii Suudaaneska ee dhawaan lagu dilay Duqeyntii lala maaganaa Madaxa Kooxdaasi, Sheekh C/qaadir Muumin.

Duqeyntaasi ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 20-Maleeshiyo oo ay ku jireen kuwo ka soo jeeda dalalka Carabta.

Warbixinta QM waxaa kaloo lagu muujiyey in Maleeshiyadii ka soo goosatay Kooxdaasu sheegeen inay Kooxda kharaj iyo amar ka helaan Kooxda Daacish-ta ku sugan dalalka Iraq iyo Syria.

Mid ka mid ah Dableyda soo goosatay ayaa sheegay inuu arkay iyadoo ay Sheekh C/qaadir Muumin iyo Hoggaamiye kale adeegsanayaan Qalabka Internet-ka ee TrueCrypt Software, oo ay kula xiriiraan Madaxda Daacishta ku sugan Iraq iyo Syria.

Dhinaca kale, Kolonel C/raxmaan Saciid oo ka tirsan Milliteriga Puntland ayaa u sheegay Wakaalladda Wraarka REUTERS inay tirada Daacishta joogta Puntland sii kordheen, kuwaasi oo badankooda ka yimid Koonfurta Somalia iyo Dagalyahano shisheeye oo ka yimdi dalka Yemen

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts