HomeCaalamka(La=yaabka): Haweeney 70 jir ah oo dhowr nin u dishay si ay...

(La=yaabka): Haweeney 70 jir ah oo dhowr nin u dishay si ay Hantidooda u dhaxasho

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Maxkamadda Degmadda Kyoto ee dalka Japan ayaa maanta Xukun Daldalaad ah ku riday Haweeney lagu magacaabo Chisako Kakehi, kadib, markii lagu helay inay dhowr nin dishay. Chisako Kakehi oo 70-jir ah ayaa la sheegay inay sun ku dishay Ninkeda iyo 2 kale oo ay saaxiib l;a ahayd, halka nin 4-aadna uu ka badbaaday sgirqaoolkeeda. Maxkamadda Degmadda Kyoto waxay sheegtay inay Chisako […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Degmadda Kyoto ee dalka Japan ayaa maanta Xukun Daldalaad ah ku riday Haweeney lagu magacaabo Chisako Kakehi, kadib, markii lagu helay inay dhowr nin dishay.

Chisako Kakehi oo 70-jir ah ayaa la sheegay inay sun ku dishay Ninkeda iyo 2 kale oo ay saaxiib l;a ahayd, halka nin 4-aadna uu ka badbaaday sgirqaoolkeeda.

- Advertisement -

Maxkamadda Degmadda Kyoto waxay sheegtay inay Chisako Kakehi  dilalkaasi geysatay muddadii u dhexeysay sannadihii 2007-dii ilaa 2011-kii.

Haweenydaasi ayaa la sheegay inay raggaasi u sumeysay si ay uga dhaxasho Hantida ay lahaayeen.

Waxaa la sheegay inay Chisako Kakehi guursatay ugu yaraan 3 jeer iyo inay saaxiib la ahayd 3 kale oo dhamaantooda wada geeriyooday sannooyin kadib, markii ay iyada la bilaabeen Xiriirkooda.

- Advertisement -

i waxaa la sheegay inay ka dhaxashay lacag dhan 8.8 million oo Dollars.

Haweeneydaasi oo lagu naansyo “Haweeneyda Sunta” waxaa la xiray sannadkii 2014-kii, kadib, markii uu geeriyooday Ninkeeda oo 75-jir ahaa.

Waxa uu geeriyooday bishii December ee sannadkii 2013-kii, bil kadib, markii uu guursaday.

Waxaa markii dambe iyada lagu soo oogay dilka 2 nin oo kala ahaa labo nin oo ay saaxiib lahayd, kuwaasi oo da’dooda kala ahayd 71-jir ahaa iyo 75 jir.

Waxaa kaloo lagu helay inay dili lahayd

Baarayaasha Boliska waxay guriga Haweeneyda ka heleen Baakat ay ku jireen maadada suntan eecyanide,taasi oo ay u adeegsan jirtey inay ragga cabsiiyo, iyadoo ku beer laxaawsan jirtey inuu Kaabsalka u fiican yahay Caafimaadkooda.

Garsoore Ayako Nakagawa  ayaa sheegay inay Chisako Kakehi  qaadayso mas’uuliyadda dilalkaasi, maadaama ay iyada la joogtay markii uu mid kasta dhimanayey.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts