HomeCaalamka(La=yaabka): Haweeney 70 jir ah oo dhowr nin u dishay si ay...

(La=yaabka): Haweeney 70 jir ah oo dhowr nin u dishay si ay Hantidooda u dhaxasho

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Maxkamadda Degmadda Kyoto ee dalka Japan ayaa maanta Xukun Daldalaad ah ku riday Haweeney lagu magacaabo Chisako Kakehi, kadib, markii lagu helay inay dhowr nin dishay. Chisako Kakehi oo 70-jir ah ayaa la sheegay inay sun ku dishay Ninkeda iyo 2 kale oo ay saaxiib l;a ahayd, halka nin 4-aadna uu ka badbaaday sgirqaoolkeeda. Maxkamadda Degmadda Kyoto waxay sheegtay inay Chisako […]

- Advertisement -

Maxkamadda Degmadda Kyoto ee dalka Japan ayaa maanta Xukun Daldalaad ah ku riday Haweeney lagu magacaabo Chisako Kakehi, kadib, markii lagu helay inay dhowr nin dishay.

Chisako Kakehi oo 70-jir ah ayaa la sheegay inay sun ku dishay Ninkeda iyo 2 kale oo ay saaxiib l;a ahayd, halka nin 4-aadna uu ka badbaaday sgirqaoolkeeda.

- Advertisement -

Maxkamadda Degmadda Kyoto waxay sheegtay inay Chisako Kakehi  dilalkaasi geysatay muddadii u dhexeysay sannadihii 2007-dii ilaa 2011-kii.

Haweenydaasi ayaa la sheegay inay raggaasi u sumeysay si ay uga dhaxasho Hantida ay lahaayeen.

Waxaa la sheegay inay Chisako Kakehi guursatay ugu yaraan 3 jeer iyo inay saaxiib la ahayd 3 kale oo dhamaantooda wada geeriyooday sannooyin kadib, markii ay iyada la bilaabeen Xiriirkooda.

- Advertisement -

i waxaa la sheegay inay ka dhaxashay lacag dhan 8.8 million oo Dollars.

Haweeneydaasi oo lagu naansyo “Haweeneyda Sunta” waxaa la xiray sannadkii 2014-kii, kadib, markii uu geeriyooday Ninkeeda oo 75-jir ahaa.

Waxa uu geeriyooday bishii December ee sannadkii 2013-kii, bil kadib, markii uu guursaday.

Waxaa markii dambe iyada lagu soo oogay dilka 2 nin oo kala ahaa labo nin oo ay saaxiib lahayd, kuwaasi oo da’dooda kala ahayd 71-jir ahaa iyo 75 jir.

Waxaa kaloo lagu helay inay dili lahayd

Baarayaasha Boliska waxay guriga Haweeneyda ka heleen Baakat ay ku jireen maadada suntan eecyanide,taasi oo ay u adeegsan jirtey inay ragga cabsiiyo, iyadoo ku beer laxaawsan jirtey inuu Kaabsalka u fiican yahay Caafimaadkooda.

Garsoore Ayako Nakagawa  ayaa sheegay inay Chisako Kakehi  qaadayso mas’uuliyadda dilalkaasi, maadaama ay iyada la joogtay markii uu mid kasta dhimanayey.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories