HomeCaalamka(Warbixin): Maxaa laga filan karaa Doorashadda Ku-celiska ee Madaxtinimadda dalka Kenya ?

(Warbixin): Maxaa laga filan karaa Doorashadda Ku-celiska ee Madaxtinimadda dalka Kenya ?

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Muwaadiniinta Kenyanka waxay maanta isugu soo baxeen Cod-bixinta Doorashadda Madaxtinimadda ee Ku-celiska ah, taasi oo ay ku baratamayaan 8 Murashax oo uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu cadcad yahay. Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka NASA, Raila Odinga ayaa qaadacay Doorashadda, wuxuuna shalay Taageerayaashiisa u sheegay inuu Isbahaysigiisu u bedeli doono Dhaqdhaqaaq Wax Iska Caabineed (A resistance movement). Doorashadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muwaadiniinta Kenyanka waxay maanta isugu soo baxeen Cod-bixinta Doorashadda Madaxtinimadda ee Ku-celiska ah, taasi oo ay ku baratamayaan 8 Murashax oo uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu cadcad yahay.

Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka NASA, Raila Odinga ayaa qaadacay Doorashadda, wuxuuna shalay Taageerayaashiisa u sheegay inuu Isbahaysigiisu u bedeli doono Dhaqdhaqaaq Wax Iska Caabineed (A resistance movement).

- Advertisement -

Doorashadda Maanta ayaa ah mid ku celis ah, kadib, markii ay Maxkamadda Sare ee Kenya horey u laashay Doorashadii Madaxtinimadda ee dhacday bishii August 8-dii ee sannadkan.

Hadadaba, Doorashadada Ku-celiska ee Madaxtinimadda dalkaasi oo ay isku diiwaan geliyeen 19 million oo qof ayaa bilaabantay saakayto abaarihii 6-dii Aroornimo ee Xilliga Bariga Afrika (EAT).

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo 55 jir ah ayaa doonaya in mar Labaad loo soo doorto Xilkaasi, si uu Talada u sii hayo 5-ta sanno ee soo socota.

- Advertisement -

Ninka ay sida weyn u xafiltamaan ee Raila Odinga ayaa qaadacay Doorashadda Ku-celiska.

Odinga oo 73 jir ayaa horey u codsaday in Isbedel lagu sameeyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashadda, inakstoo aysan Maxkamadda Sare ee dalkaasi ka jawaabin Codsigaasi.

Raila Odinga waxa uu ugu baaqay Taageerayaashiisa inaysan ka qeyb gelin Cod-bixinta maanta.

Dibadbaxyo ballaaran ayaa la soo sheegay inay maanta ka dhacayaan Deegaanadda ay Taageerayaasha Isbahaysiga Mucaaradka ee NASA ku xooggan yihiin.

Taageerayaasha Mucaaradka waxay isugu soo baxeen Degmadda KIBERA ee magaalladda Nairobi, waxayna gubayaan Taayaro, waxayna xireen jidadka.

Ugu yaraan hal Xarun laga codeyn lahaa ayaa albaabadda loo laabay.

Magaalladda KISUMU oo ay Taageerayaasha Raila Odinga ku xooggan yihiin ayaa la sheegay inay dhowr goobood furan yihiin, balse ma jiraan astaamo muujinaya inay dadka codeynayaan.

Si kastaba ha ahaatee, ma kala cadda sida loogu kalsoonaan karto Natiijadda Doorashadda Ku-celiska, iyadoo Murashaxa Uhuru Kenyatta la tartamayaan 8 Murashax oo aan miisaan culus ku lahayn Siyaasadda Kenya.

Dhinaca kale, waxaa la filan karaa inay Ciiddanka iyo Taageerayaasha Mucaaradka isku dhacaan inta ay socoto Cod-bixinta, iyadoo 50 qof lagu dilay tan iyo markii ay Xiisadda Siyaasadeed ka curatay Kenya..

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts