HomeCaalamka(Warbixin): Maxaa laga filan karaa Doorashadda Ku-celiska ee Madaxtinimadda dalka Kenya ?

(Warbixin): Maxaa laga filan karaa Doorashadda Ku-celiska ee Madaxtinimadda dalka Kenya ?

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Muwaadiniinta Kenyanka waxay maanta isugu soo baxeen Cod-bixinta Doorashadda Madaxtinimadda ee Ku-celiska ah, taasi oo ay ku baratamayaan 8 Murashax oo uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu cadcad yahay.

Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka NASA, Raila Odinga ayaa qaadacay Doorashadda, wuxuuna shalay Taageerayaashiisa u sheegay inuu Isbahaysigiisu u bedeli doono Dhaqdhaqaaq Wax Iska Caabineed (A resistance movement).

- Advertisement -

Doorashadda Maanta ayaa ah mid ku celis ah, kadib, markii ay Maxkamadda Sare ee Kenya horey u laashay Doorashadii Madaxtinimadda ee dhacday bishii August 8-dii ee sannadkan.

Hadadaba, Doorashadada Ku-celiska ee Madaxtinimadda dalkaasi oo ay isku diiwaan geliyeen 19 million oo qof ayaa bilaabantay saakayto abaarihii 6-dii Aroornimo ee Xilliga Bariga Afrika (EAT).

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo 55 jir ah ayaa doonaya in mar Labaad loo soo doorto Xilkaasi, si uu Talada u sii hayo 5-ta sanno ee soo socota.

- Advertisement -

Ninka ay sida weyn u xafiltamaan ee Raila Odinga ayaa qaadacay Doorashadda Ku-celiska.

Odinga oo 73 jir ayaa horey u codsaday in Isbedel lagu sameeyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashadda, inakstoo aysan Maxkamadda Sare ee dalkaasi ka jawaabin Codsigaasi.

Raila Odinga waxa uu ugu baaqay Taageerayaashiisa inaysan ka qeyb gelin Cod-bixinta maanta.

Dibadbaxyo ballaaran ayaa la soo sheegay inay maanta ka dhacayaan Deegaanadda ay Taageerayaasha Isbahaysiga Mucaaradka ee NASA ku xooggan yihiin.

Taageerayaasha Mucaaradka waxay isugu soo baxeen Degmadda KIBERA ee magaalladda Nairobi, waxayna gubayaan Taayaro, waxayna xireen jidadka.

Ugu yaraan hal Xarun laga codeyn lahaa ayaa albaabadda loo laabay.

Magaalladda KISUMU oo ay Taageerayaasha Raila Odinga ku xooggan yihiin ayaa la sheegay inay dhowr goobood furan yihiin, balse ma jiraan astaamo muujinaya inay dadka codeynayaan.

Si kastaba ha ahaatee, ma kala cadda sida loogu kalsoonaan karto Natiijadda Doorashadda Ku-celiska, iyadoo Murashaxa Uhuru Kenyatta la tartamayaan 8 Murashax oo aan miisaan culus ku lahayn Siyaasadda Kenya.

Dhinaca kale, waxaa la filan karaa inay Ciiddanka iyo Taageerayaasha Mucaaradka isku dhacaan inta ay socoto Cod-bixinta, iyadoo 50 qof lagu dilay tan iyo markii ay Xiisadda Siyaasadeed ka curatay Kenya..

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories