HomeWararSarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo xalay lagu dhaawacay Boosaaso

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo xalay lagu dhaawacay Boosaaso

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Kooxo bustoolado ku hubeysan , ayaa xalay toogasho ka gaystay Bartamaha Magaalada Boosaaso, ka dib markii ay rasaas ku fureen  dad fadhiyay goob lagu shaaho. Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan uu hal qof ku geeriyooday goobtaasi iyo dhaawaca laba kale, oo midi uu yahay Taliye Kuxigeenka Saldhiga Baalade ee Magaalada Boosaaso, C/raxmaan Barre Saalax. […]

- Advertisement -

Kooxo bustoolado ku hubeysan , ayaa xalay toogasho ka gaystay Bartamaha Magaalada Boosaaso, ka dib markii ay rasaas ku fureen  dad fadhiyay goob lagu shaaho.

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan uu hal qof ku geeriyooday goobtaasi iyo dhaawaca laba kale, oo midi uu yahay Taliye Kuxigeenka Saldhiga Baalade ee Magaalada Boosaaso, C/raxmaan Barre Saalax.

- Advertisement -

Goobjooge-yaal, ayaa sheegay inay baxsadeen dembiile-yaasha, waxaana daqiiqado ka dib goobtaasi gaaray ciidamada ammaanka Puntland kuwaas oo ilaa saakay howlgal halkaasi ka wada.

Warbaahinta ku hadasha afka Kooxda Daacish ee isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka), ayaa baahisay in weerarkaasi ay gaysteen xubno ka tirsan dagaal-yahanadooda.

23-kii bishii May, ayay ahayd markii ay Daacish sheegatay masuuliyadda weerar ismiidaamin ahaa, oo xilligaa ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories