HomeWararProf. Jawaari oo ka Codsaday Ururka Jaamacadda Carabta inay gacan ka geystaan...

Prof. Jawaari oo ka Codsaday Ururka Jaamacadda Carabta inay gacan ka geystaan dib-u habeynta Sharuucda Somaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta, Axmed Abu Qeyd ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan uu la yeeshay Guddoomiyaha BFS, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo haatan socdaal hawleed ku jooga magaalladda Qaahira. Kulankaasi oo  gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta ee magaalladda Qaahira waxay labada dhinac kaga arrinsadeen Xoojinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta, Axmed Abu Qeyd ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan uu la yeeshay Guddoomiyaha BFS, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo haatan socdaal hawleed ku jooga magaalladda Qaahira.

Kulankaasi oo  gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta ee magaalladda Qaahira waxay labada dhinac kaga arrinsadeen Xoojinta Xiriirka Somalia iyo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Doorka Jaamacadda Carabta ku taageerayso DFS.

- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta, Axmed Abu Qeyd oo ka haday Kulankaasi waxa uu xusay inay ka qeyb qaadan doonaan Dib-u-dhiska Hay’addaha Dowladda iyo dadaalka ay BFS ugu jiraan dhamaystirka Axdi-qarameedka qabyadda ee Somalia.

Guddoomiyaha BFS, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan oo ka hadlay Kulankaasi waxa u uUrurka Jaamacadda Carabta ka codsaday inay taageero ka geystaan Hawlaha BFS, dhamaystirka Axdi-qarameedka KMG, Carabiyeynta Sharciyadda Somalia iyo sidii Khubaro Carbeed oo takhasus u leh Dastuurka loogu soo diri lahaa Somalia, si ay taageeradda muhiimka ah u siiyaan BFS iyo inay xoojiyaan xiriirka kala dhexeeya Barlamaanada Carabta.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ururka Jaamacadda Carabta, Maxamudu Cafiifi ayaa tilmaamay inuu Kulankaasi ku yimid Jadwalka Shaqo iyo mudnaanta weyn ee uu Axmed Abu Qeyd siinayo Geeddi-socodka Nabadda iyo Horumarka ee Somalia.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in taageeradda weyn ee ay Carabta siiyaan Somalia xilliga ay tahay mid muhiim u ah sidii ay Hay’addaha DFS ugu guuleysan lahaayeen doorka ay kaga jiraan Dib-u-dhiska Somalia.

Kulankaasi waxaa kaloo looga xaajooday qaababka lagu xaqiijin karo doorka ay dowladaha Carabta ku taageeri doonaan Somalia, gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Horumarinta, Caafimaadka, W/barashaddayo Bulshadda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts