HomeWararSawirro:-Dowladda Kenya oo u sheegtay Siyaasiyiinta Mucaaradka inay u socdaali karaan Somaalia

Sawirro:-Dowladda Kenya oo u sheegtay Siyaasiyiinta Mucaaradka inay u socdaali karaan Somaalia

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya, Eric Kiraithe ayaa hadalkaasi kusheegay Qoraal uu ugu jawaabayey hadal ka soo yeeray David Ndii oo ah Sarkaalka Arrimaha Istaraatijiyadda iyo Dhaqaalaha ugu qaabilsan Isbahaysiga Siyaasadeed ee The National Super Alliance (NASA) oo ay xafiltamaan Isbahaysiga Jubilee ee haya talada dalkaasi. Afhayeenka waxa uu sheegay inuu David Ndii xor u yahay inuu u socdaalo Somalia, haddii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya, Eric Kiraithe ayaa hadalkaasi kusheegay Qoraal uu ugu jawaabayey hadal ka soo yeeray David Ndii oo ah Sarkaalka Arrimaha Istaraatijiyadda iyo Dhaqaalaha ugu qaabilsan Isbahaysiga Siyaasadeed ee The National Super Alliance (NASA) oo ay xafiltamaan Isbahaysiga Jubilee ee haya talada dalkaasi.

Afhayeenka waxa uu sheegay inuu David Ndii xor u yahay inuu u socdaalo Somalia, haddii uusan ku qanacsanayn Natiijadda ka soo baxda Doorashaddii Madaxtinimadda ee bishan August 8-dii ka dhacday dalka Kenya.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Ammaanka qaadi doonaan Tallaabo kasta oo lagu cabsi gelinayo Deganaanshaha Kenya.

“ Xaq ayad u leedihiin Aragtida aad ka walaacsan tihiin. Waad
go’aansan kartaan inad u safartaan ama aad u socdaashaan Somalia” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya, Eric Kiraithe oo u jawaabayey.

Sarkaalka Arrimaha Istaraatijiyadda iyo Dhaqaalaha ugu qaabilsan
Isbahaysiga Siyaasadeed ee NASA, David Ndii oo horey u sheegay inay Isbahaysiga NASA  aad ugu diyaar garoobeen Ficilo loo dhan yahay iyo inay u soo socdaali doonaan Somalia.

- Advertisement -

David Ndii waxa uu tilmaamay in Isbahaysiga NASA aad ugu diyaar garoobeen Ficilo Wadareed loo dhan yahay, wuxuuna ku hanjabay haddii aysan Doorashadda keenin Isbedel inay ku imaan doonaan xabbad.

Hoggaamiyaha Isbahaysiga NASA, Raila Odinga iyo kooxdiisa waxa ay Maxkamadda Sare ee Kenye u gudbiyeen Dacwad ay kaga soo horjeedaan inuu Uhuru Kenyatta ku guuleystay Doorashaddii Madaxtinimadda dalkaasi.

Guddiga Doorashadda ee dalkaasi ayaa horey u shaaciyey in Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uu Hoggaamiyaha Isbahaysiga NASA, Raila Odinga kaga horreeyo in ka badan 14 million oo Cod.

Sawirro

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts