HomeWararMadaxweynihii Hir-Shabeelle oo Muqdisho u yimid la kulanka Xubno ka socda Beesha...

Madaxweynihii Hir-Shabeelle oo Muqdisho u yimid la kulanka Xubno ka socda Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii Maamulka Hir-Shabeelle oo ay xildhibaanada Hir-Shabeelle sheegEen in ay xilkii ka qaadeen ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho. Mudane Cosoble,oo Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Jowhar ayaa Gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Muqdisho,iyada oo intii uu ku sugnaa Jowhar uu waqti badan ku bixiyay sidii uu xal uga gaari lahaa xilka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii Maamulka Hir-Shabeelle oo ay xildhibaanada Hir-Shabeelle sheegEen in ay xilkii ka qaadeen ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Mudane Cosoble,oo Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Jowhar ayaa Gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Muqdisho,iyada oo intii uu ku sugnaa Jowhar uu waqti badan ku bixiyay sidii uu xal uga gaari lahaa xilka qaadistii lagu sameeyay basle uusan ku guuleysan.

- Advertisement -

Waxaa la filayaa inta uu ku sugan yahay Muqdisho Cosoble,in uu la kulmo Masuuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka si uu ugu gudbiyo dacwad ka dhan ah dolwadda Soomaaliya maadaama uu dhawaan sheegay in xilka qaadistiisii ay masuul ka aheyd.

Marka laga soo tago Safarka uu Muqdisho ku yimid Cali Cabdullaahi Cosoble,ayaa weli dowladda Federaalka Soomaaliya kama hadlin xiisada ka dhexjirta Hir-Shabeelle.

Shalay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas Cusmaan Barre Maxamed,si ay ugala hadasho khilaafka Siyaasadeed ee Hir-Shabeelle ka jira.

- Advertisement -

Sidoo kale Gudoomiyaha Aqlka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta Guddi u saaray soo baara Xiisada Hir-Shabeelle daagalka deegaanka Xeraale iyo sidoo kale duqeyntii u dambeysay ee laga fuliyay Gobolka Jubbada Hoose kadib codsiyo ka yimid Xubno ka tirsan Aqalka Sare.

W/Q Cabduqaadir Jakaarta

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts