HomeWararAkhriso:-Saameynta Shacabka ee Colaada Shabeellaha Hoose(Warbixin)

Akhriso:-Saameynta Shacabka ee Colaada Shabeellaha Hoose(Warbixin)

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay shalay ka soo saartay magaalada Niarobi kaga hadashay gabood fallo ay sheegtay in laga geystay gobolka Shabeelaha Hoose. Gaar ahaan weeraro ka dhacay Gobolka dabayaaqadii bishii Mey 2017, oo ay al-Shabab ku gubeen tuulooyin dad badan oo rayid ahna ay ku afduubteen sida lagu sheegay […]

- Advertisement -

Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay shalay ka soo saartay magaalada Niarobi kaga hadashay gabood fallo ay sheegtay in laga geystay gobolka Shabeelaha Hoose.

Gaar ahaan weeraro ka dhacay Gobolka dabayaaqadii bishii Mey 2017, oo ay al-Shabab ku gubeen tuulooyin dad badan oo rayid ahna ay ku afduubteen sida lagu sheegay Warbixinta.

- Advertisement -

Natisha Pather oo ah cilmi baare oo Human Rights Watch u qaabilsan Afrika ooayaa sheegtay dabayaaqadii bishii May ee sanadkan in Shabaab ay weerar ku qaadeen 18 Tuulo oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxa ay sheegtay Mrs. Pather in Ciidanka AMISOM ay qeyb ka yihiin dhinacyada dadka ku xadgudbaya, maadaama ay sheegtay mudo sanado ah in ay diiwaan gelinayeen dil aan loo aaba yeelin oo Ciidanka AMISOM ay u geysteen dad shacab ah.

Shabeellaha Hoose ayaa waxaa weli ka socda dagaalo dhowr weji leh dagaal laba Maleeshiyaad beeleed u dhaxeeya ayaa weli ka socda halka Al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Amisom ay iyana dhankooda ku hardamayan taas oo waxyeelo ay ka soo gaarto dadka Shacabka eek u nool Shbeellaha Hoose.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories