HomeWararDowladda Soomaaliya oo loo soo gacan galiyey saddax nin oo dadka tahriibin...

Dowladda Soomaaliya oo loo soo gacan galiyey saddax nin oo dadka tahriibin jiray

Date:

Related stories

Istanbul: Soomaaliya oo qayb ka ahayd gaba-gabadii Shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa hoggaaminayay wafdi matalayay Soomaaliya oo ka qayb galay shirweynihii 152-aad ee IPU oo ka dhacay Turkiga.

Halkee laga qodayaa ceelka labaad ee shidaalka Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay ee sahminta shidaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in ceelka Holhol uu noqon karo halka xigta ee dalku ka soo saaro shidaalka.

M.Cali Guudlaawe oo ku dhowaaqay jihada doorashada Hirshabeelle: “Doorasho waa qof iyo cod

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo looga hadlay doorashooyinka iyo khatarta fatahaadaha.

Xil-wareejin ka dhacday Muqdisho: Wasiir Fiqi oo farriin culus u diray madaxda wasaaradda

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay xoghayihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xoghayaha cusub. Maqaalkan ka akhriso nuxurka dardaarkii wasiirka,

Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde laga soo dejiyay saddex nin Oo  Soomaali ah Kuwaas oo dadka ka tahriibin jiray dalka Koofurta Sudan,

Saddexdan tahriibiyaal ayaa todobaadyo ka hor laga soo qabtay magaalada Jubba ee Caasimadda Koofurta Sudan, iyagoo ku howlanaa falal Tahriibin ah.

Raggaan magacyadooda waxaa lagu kala sheegay  Caydaruus C/llaahi Naxar, C/raxmaan Maxamuud Socdaal iyo Liibaan Cabdullaahi Xuseen waxaana gacanta ku soo dhigay Ciidamada Booliska Koofurta Sudan iyo Booliska Adduunka, Waxaana maanta Garoonka Muqdisho laga soo dajiyey iyaga oo gacmaha k aka tiinadeysan.

Saddexdan nin ayaa ka mid ahaa shabakad isku xiran oo dadka u tahriibiya dalka Liibiya, waxaana baadi goob ku hayay Booliska Adduunka ee Interpol.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii garoonka diyaaradaha Muqdisho laga soo dejiyay nin magaciisa lagu sheegay C/qaadir Cumar Cabdulle oo isna ka mid ahaa dadka wax tahriibiya, kaasoo laga soo qabtay magaalada Jubba ee dalka Koofurta Sudan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories