HomeWararDibadbaxyo lagu diidan yahay Canshuurta oo Itoobiya ka Socda

Dibadbaxyo lagu diidan yahay Canshuurta oo Itoobiya ka Socda

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Waxaa jira warar sheegaya in milatari iyo booliis loo daad gureeyay qaybo ka mid ah gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, ka dib markii ay halkaas ka dhaceen mudaaharaadyo lagu diidan yahay canshuuro cusub oo dhawaan lagu soo rogay ganacsiyada.

Wargayska Addis Standard ayaa sheegay in dadka degan magaalada Ambo ay todobaadkii hore waxyeelo u gaysteen labo gaadhi oo ay dawladdu leedahay toddobaadkanna ay magaalooyinka kale billaabeen in ay ganacsiyada xiraan iyaga oo mudaaharaadaya.

- Advertisement -

Canshuurtan cusub ayaa la saaray ganacsiyada yaryar ee sannadkii soo saara in kabadan 100,000 birr ama 4,300 oo doolar, arrintaas oo ah dadaal ay dawladdu ku doonayso in ay ku hesho dhaqaale ay aad ugu baahan tahay.

Laakiin wargeyska Addis Standard ayaa ku warramay in milkiilayaasha ganacsiyadu ay sheegeen in dadkii qiimaynayay canshuurtu ay ka badbadiyeen ayna canshuur xad dhaaf ah dalbadeen.

Wargaysku wuxuu soo xigtay gabadh timo jare ah oo laga dalbaday in ay bixiso 400 oo doolar taas oo aan ka yarayn waxa ay sannadka oo dhan hesho.

- Advertisement -

Dawladdu waxay sheegtay in uu jiro is fahamdarro ku aadan canshuurah ayna isku dayayso in ay wax ka qabato arrintaas.

Sannadkii hore gobolka Oromada ee dalka Itoobiya waxaa ka dhacay mudaaharaadyo badan oo dawladda lagaga soo horjeeday kuwaas oo hordeesay in dalka lagu soo rogo xaalad degdeg ah.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories