HomeWararDiyaarado dagaal oo duqeeyay degmada Jamaame ee G/Jubbada Hoose

Diyaarado dagaal oo duqeeyay degmada Jamaame ee G/Jubbada Hoose

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Diyaaarado dagaal oo duqeeyay degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab. Diyaaradaha dagaal ayaa waxaa caawinayay Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoosta Soomaaliya waxaana la sheegay in ay bartilmaameed sadeen deegaanka Dhagax-dheer ee degmada Jamaame halkaas oo ay ku […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Diyaaarado dagaal oo duqeeyay degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaal ayaa waxaa caawinayay Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoosta Soomaaliya waxaana la sheegay in ay bartilmaameed sadeen deegaanka Dhagax-dheer ee degmada Jamaame halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

- Advertisement -

Weli macada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaas balse saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheeegn in howlgalkaas uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana ay ku burburiyeen fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Xaalada deegaanka ayaa hada ah mid kacsan waxana dadka deegaanka oo diiday in magacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in ay cabsi soo wajahday islamarkaana ciidamada Al-Shabaab ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Weli Saraakiisha dowaldda Federaalka Soomaaliya ma faah faahin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas ay Al-Shabaab fariisimahooda la beegsadeen diyaaradaha dagaal iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories