HomeWararQarax Gaari loo adeegsaday oo ka dhacay degmada Wadajir

Qarax Gaari loo adeegsaday oo ka dhacay degmada Wadajir

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Qarax Gaari ayaa goordhow ka dhacay qeybo kamid ah degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir qaraxaas oo geestay sida la sheegay khasaaro kala duwan. Gaariga ayaa la shegay in ay wateen koox hubeysan oo saakay qof Shacab ah ku dilay Xaafada Xawa-Taako ee isla degmada Wadajir balse ciidamada dowladda oo garigaas ku raad joogay uu qarxay […]

- Advertisement -

Qarax Gaari ayaa goordhow ka dhacay qeybo kamid ah degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir qaraxaas oo geestay sida la sheegay khasaaro kala duwan.

Gaariga ayaa la shegay in ay wateen koox hubeysan oo saakay qof Shacab ah ku dilay Xaafada Xawa-Taako ee isla degmada Wadajir balse ciidamada dowladda oo garigaas ku raad joogay uu qarxay xili uu marayay Xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir.

- Advertisement -

Waxaa jira khasaaro  dhashay qaraxaas, waxana dadka deegaanka ay sheegayean in Hal Askari uu ku dhintay halka mid kale uu ku dhaawacmay kuwaes oo ahaa ciidamadii daba joogay kooxdii hubeesneed ee Gaariga wadatay.

Goobta uu qaarxa ka dhacay waxaa hada ku sugan Ciidamo ka tirsan dowladda Somaaliya iyo qaar kamid ah Shacabka Xaafada Nasteexo oo u soo daawasho tagay.

Xiriir aan la sameynay Maamulka degmada Wadajir ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino qaraxaas iyo waliba dilkii saakay ka dhacay degmadasi Wadajir.

- Advertisement -

Goordhow la socda wixii ku soo kodrha qaraxaas insha allaah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories