HomeWararMaraykanka oo door biday inaysan Somalia u soo dirin Ciiddamada Lugta (Infantry...

Maraykanka oo door biday inaysan Somalia u soo dirin Ciiddamada Lugta (Infantry Troops).

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

General Thomas Waldhauser oo ah Taliyaha Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaradda Afrika ee AFRICOM, ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khadka Telefoonka ku siiyey Weriyayaasha, wuxuuna xusay inay Tobaneeyo Askar dheeraad u direen Somalia. Waxa uu intaasi ku daray inaysan ku degdegin inay Somalia u soo diran Ciiddanka Lugta (Infantry Troops), balse ay diir-bideen inay u […]

- Advertisement -

General Thomas Waldhauser oo ah Taliyaha Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaradda Afrika ee AFRICOM, ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khadka Telefoonka ku siiyey Weriyayaasha, wuxuuna xusay inay Tobaneeyo Askar dheeraad u direen Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan ku degdegin inay Somalia u soo diran Ciiddanka Lugta (Infantry Troops), balse ay diir-bideen inay u soo diraan Ciiddamo dhinaca Loojistikadda.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in Dad-gureeyntooda ahayd mid waqti dheer socotay, looguna talagalay inay  gacan ka geystaan sidii Ciiddanka DFS loogu tababari lahaa inay awood dheeraad ah u yeeshaan La-dagaalanka Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay Gen Waldhauser.

Waxa uu beeniyey in Maamulka Madaxweyne Donald Trump lumiyeen Awoodda wax duqeynta eel ala beegsanayo Bar-tilmaameedyadda Al-shabaab

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inay Taliska Maraykanka la siiyey Awood dheeraad oo kooban si ay u geystaan Duqeymahaasi, si ay u taageeraan Hawlgalka AMISOM iyo Ciiddanka Somalia ee qeybt ka ah Hawlgalkaasi, balse aan awoodi karin inay  keligooda qaadaan Weeraro.

Taliyaha Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaradda Afrika ee AFRICOM, General Thomas Waldhauser ayaa sheegay inay weerar kasta qadayaan kala xiriirayaan DFS, loona taageero AMISOM iyo in la yareeyo Khasaarha dadka rayidka ka soo gaarayo Duqeymahaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Hawlgalka AMISOM, General Osman Noor Subagle ayaa isagana sheegay inaan la kala aqoonsan karin Dagaalamayasha Al-shabaab iyo dadka rayidka ee aan hubeysanayn, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray in AMISOM ku adag tahay sidii ay u xidid siibi lahaayeen Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna taasi ku micneeyey inay Alshabaab yihiin dad Somali ah, isl markaana ku dhex milan dadweynaha.

General Osman Noor Subagle waxa uu tilmaamay  in loo baahn yahay Sirdoon la xaqiijiyey, si loo aqoonsado, loona beegsado xubnaha Dgaaalmayaasha Alshabab, waa sida uu hadalka u dhigay.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories