HomeWararMaydka Haweeneydii ugu horreysay ee Muslim ah oo Garsoore ka noqota Maraykanka...

Maydka Haweeneydii ugu horreysay ee Muslim ah oo Garsoore ka noqota Maraykanka oo la helay.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Sheila Abdus-Salaam, oo Garsoore ka ahayd Maxkamadda ugu sarreysa magaalladda New York ayaa la sheegay in shalay galab maydkeeda laga helay Webiga Hudson ee dhex mara magaalladda New York, meel hal mile u jirta Hoygeeda oo ku yaalla Bartamaha Harlem. Wargeyska New York Post ayaa qoray inay Goobjoogayaal u yeereen Boliska, kadib, markii  ay maydka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sheila Abdus-Salaam, oo Garsoore ka ahayd Maxkamadda ugu sarreysa magaalladda New York ayaa la sheegay in shalay galab maydkeeda laga helay Webiga Hudson ee dhex mara magaalladda New York, meel hal mile u jirta Hoygeeda oo ku yaalla Bartamaha Harlem.

Wargeyska New York Post ayaa qoray inay Goobjoogayaal u yeereen Boliska, kadib, markii  ay maydka Garsooradda ka heleen iyadoo sabaynaysa Webiga, meel ku dhow Jidka 132-aad iyo Hudson Parkway.

- Advertisement -

Boliska waxay sheegeen inaysan wax calaamado jir-dil ah ka muuqanin maydkeeda, iyadoo saygeeda iyo qoyskeeda wada aqoonsadeen maydkeeeda.

Boliska ayaa sheegay in baaritaan lagu samayn doono maydka, si loo ogaado waxa sbbay geerideeda.

Allaha U Naxariisto Marxuumadda oo 65-jir ahayd ayaa la la’aa tan iyo subaxnimadii Taladada ee la soo dhaafay, sida uu sheegay Sygeeda oo lagu magacaabo Gregory Jacobs (1).

- Advertisement -

Kulan xilliyeedkii Maxkamadda ee  ugu dambeeyey ee ay ka qeyb gasho ayaa ahayd bishiii March 29-dii.

Sheila Abdus-Salaam waxy noqotay Haweeneydii ugu horreysa ee Muslim Afrikaan-Maraykan ah oo loo magacaabo Maxkamadda Rafcaanka.

Waxay Garsoore ka noqotay Maxkamadda Sare ee Manhattan Supreme Court muddo 14-sanno.

Sannadkii 1991-kii ayaa loo dortay Hoggaanka Garsoorka ee magaalladda New York.

Waxay ka qalin jebisay Barnard College and Columbia Law School, waxayna Hawsheeda Garsoorka ka bilaabay Adeegga Sharciga ee East Brooklyn Legal Services iyo iyadoo noqotay Kaliyah Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowlad-gobaleedka New York, sid lagu qoray Websaytka Maxkamadda Rafcaanka.

 

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts