HomeWararMarkabkii Xamuulka ee Hindiya ee la afduubtay oo lagu hayo Deegaanka...

Markabkii Xamuulka ee Hindiya ee la afduubtay oo lagu hayo Deegaanka Ceel-huur ee Hobyo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Burcad-baddeeda oo magaciisa ku soo koobay Aw Koombe  ayaa sheegay in Markabkii Xamuulka ee Hindiya  iyo Shaqalihii la socdy  lagu hayo Deegaank Ceel-huur oo u dhow Degmadda Hobyo ee hoos taga Maamul-gobaleedka Galmudug. Aw Koombe oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu sheegay inuu wada-xaajood u socdo Burcad-baddeeda iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Burcad-baddeeda oo magaciisa ku soo koobay Aw Koombe  ayaa sheegay in Markabkii Xamuulka ee Hindiya  iyo Shaqalihii la socdy  lagu hayo Deegaank Ceel-huur oo u dhow Degmadda Hobyo ee hoos taga Maamul-gobaleedka Galmudug.

Aw Koombe oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu sheegay inuu wada-xaajood u socdo Burcad-baddeeda iyo Ganacsato fadhigoodu yahay magaalladda Kismaayo, si loo sii daayo Markabkaasi oo lagu mgacaabo Al-kowsar.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Ganacsatadda diidan yihiin inay bixiyaan Lacago si loo sii daayo  Markabka iyo Shaqaalihiisa, balse Burcad-baddeeda waxay ku adkaysanayaan in laga siiyo Lacago Madax-furasho ah.

Aw Koombe waxa uu sheegay in labada dhinac weli u socdo Wada-xaajood ku aadan in la sii daayo Markabka iyo 11-ka Shaqaalaha ee la socotay.

Dhinaca kale, Sarkaal u hadlay Dowlad-gobaleedka Galmudug ayaa sheegay in kooxda wax afduubatay ka soo jeedaan Puntland, balse, Aw Koombe oo Reer Puntland ah waxa uu sheegay inay Afduubayaasha ka soo jeedaan Galmudug, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Markabka afduubka loo haysto ayaa la sheegay in laga soo qafaashay xilli uu marayey Jesiiradda Sokhorta ee dalka Yemen, kuna soo wajahnaa Dekedda Bosaaso, sida ay  sheegtay Hay’adda Britain ugu qaabilsan Hawlgalladda Maraakiibta Ganacsiga (UKMTO).

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts