HomeWararSUDAN: Fannaan Nimcaan Hilaac.oo dib u helay Xorriyadiisa, lana bixiyey ganaaxii lagu...

SUDAN: Fannaan Nimcaan Hilaac.oo dib u helay Xorriyadiisa, lana bixiyey ganaaxii lagu xukumay.

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Fannanka caanka ee Nimcaan Hilaac oo xalay lagu xiray Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum ayaa waxa uu maanta dib u helay Xorriyadiisa, kadib, markii la bixiyey Ganaax Lacageed oo lagu xukumay. Maxkamad ku taalla Xaafadda Deym ee magaalldda Khrtoum ayaa Fanananka saakayto la soo taagay, iyadoo lagu soo oogay inuu Fasax la’aan Bandhig Faneed ka […]

- Advertisement -

Fannanka caanka ee Nimcaan Hilaac oo xalay lagu xiray Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum ayaa waxa uu maanta dib u helay Xorriyadiisa, kadib, markii la bixiyey Ganaax Lacageed oo lagu xukumay.

Maxkamad ku taalla Xaafadda Deym ee magaalldda Khrtoum ayaa Fanananka saakayto la soo taagay, iyadoo lagu soo oogay inuu Fasax la’aan Bandhig Faneed ka dhigay Hool ku yaalla magaalladda Khartoum.

- Advertisement -

Waxayna Maxkamadda ku xukuntay ganaax lacageed ou dhigma 1,500-Dollar iyo in la soo masaafuriyo.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Safaaradda, Ardayda iyo Jaalliyadda Soomaalida gacan ka geysteen sidii loo loo bixin lahaa Ganaaxa lagu xukumay oo dhamaa 1,500-Dollar.

- Advertisement -

Haatan, Fannaanka waxa uu dib u helay Xorriyadiisa, wuxuuna xarigiisa ku dhacay si qalad ah, iyadoo Qabnanqaabiyayaashii Bandhig Faneedka horey ugu sheegeen Maamulka Khartoum inay dhiganayaan Xaflad Aroos, balse markii dmbe la ogaady inuu ahaa Show ay dad badan daawanayeen.

Waa markii ugu horreysay ee ay Hay’addaha Ammaanka Sudan xiraan Fannaan Soomaliyeed, iyadoo Hab Masrixiyadda Labada Waddan si aad ah isugu muuqaal eg yahay.

Fannaaniinta Soomaalida iyo kuw Sudan waxay xilli Berri-samaadka is-dhaafsan jireen Booqasho la xiriirta Masrixiyadda Fanka iyo Dhaqanka.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories