HomeWararSUDAN: Fannaan Nimcaan Hilaac.oo dib u helay Xorriyadiisa, lana bixiyey ganaaxii lagu...

SUDAN: Fannaan Nimcaan Hilaac.oo dib u helay Xorriyadiisa, lana bixiyey ganaaxii lagu xukumay.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Fannanka caanka ee Nimcaan Hilaac oo xalay lagu xiray Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum ayaa waxa uu maanta dib u helay Xorriyadiisa, kadib, markii la bixiyey Ganaax Lacageed oo lagu xukumay. Maxkamad ku taalla Xaafadda Deym ee magaalldda Khrtoum ayaa Fanananka saakayto la soo taagay, iyadoo lagu soo oogay inuu Fasax la’aan Bandhig Faneed ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Fannanka caanka ee Nimcaan Hilaac oo xalay lagu xiray Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum ayaa waxa uu maanta dib u helay Xorriyadiisa, kadib, markii la bixiyey Ganaax Lacageed oo lagu xukumay.

Maxkamad ku taalla Xaafadda Deym ee magaalldda Khrtoum ayaa Fanananka saakayto la soo taagay, iyadoo lagu soo oogay inuu Fasax la’aan Bandhig Faneed ka dhigay Hool ku yaalla magaalladda Khartoum.

- Advertisement -

Waxayna Maxkamadda ku xukuntay ganaax lacageed ou dhigma 1,500-Dollar iyo in la soo masaafuriyo.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Safaaradda, Ardayda iyo Jaalliyadda Soomaalida gacan ka geysteen sidii loo loo bixin lahaa Ganaaxa lagu xukumay oo dhamaa 1,500-Dollar.

- Advertisement -

Haatan, Fannaanka waxa uu dib u helay Xorriyadiisa, wuxuuna xarigiisa ku dhacay si qalad ah, iyadoo Qabnanqaabiyayaashii Bandhig Faneedka horey ugu sheegeen Maamulka Khartoum inay dhiganayaan Xaflad Aroos, balse markii dmbe la ogaady inuu ahaa Show ay dad badan daawanayeen.

Waa markii ugu horreysay ee ay Hay’addaha Ammaanka Sudan xiraan Fannaan Soomaliyeed, iyadoo Hab Masrixiyadda Labada Waddan si aad ah isugu muuqaal eg yahay.

Fannaaniinta Soomaalida iyo kuw Sudan waxay xilli Berri-samaadka is-dhaafsan jireen Booqasho la xiriirta Masrixiyadda Fanka iyo Dhaqanka.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts