HomeWararDonald Trump iyo Uhuru Kenyatta oo ka wada hadlay Dagaalka Alshabaab iyo...

Donald Trump iyo Uhuru Kenyatta oo ka wada hadlay Dagaalka Alshabaab iyo Ammaanka Gobalka.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump waxa uu xalay khadka Telefoonka kula hadlay Dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadlay xiriirka Labadooda Dal, Ganacsiga, Dagaalka Alshabaab iyo Deganaanshaha Qaaradda Afrika. Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka, Sean Spicer ayaa sheegay inay Labada Hoggaamiye diiradda saareen Iskaashiga Dhaqaale ee labada Waddan, Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Xarakadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump waxa uu xalay khadka Telefoonka kula hadlay Dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadlay xiriirka Labadooda Dal, Ganacsiga, Dagaalka Alshabaab iyo Deganaanshaha Qaaradda Afrika.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka, Sean Spicer ayaa sheegay inay Labada Hoggaamiye diiradda saareen Iskaashiga Dhaqaale ee labada Waddan, Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Xarakadda Alshabaab iyo sidii ay iskaashi dhow uga yeelan lahaayeen Ammaanka Gobalka.

- Advertisement -

“Madaxweyne Trump waxa uu bogaadiyey doorka muhiimka ee Kenya ka qaadanayso Hawlgalka AMISOM, wuxuuna aqoonsaday Dagaalka ay Ciiddanka Kenya kala soo horjeedaan Alshabaab” ayu uyiri Afhayeenka Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

Wada-sheekeysiga Donald Trump iyo Uhuru Kenyatta o oqaatay muddo 60-daqiiqo ah  waxay  kaloo ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa Xiriirkooda Ganacsi iyo Maalgashiga Kenya iyo Balalarinta Xiriirka Mandiqadda Bariga Afrika.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump waa markii Shanaad ee uu la hadlo Hoggaamiye Afrikaan ah, tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo caleema-saaray bishii January 20-dii ee sannadkan.

Madaxweynayaasha Afrikaanka ee uu Donald Trump horey ula hadlay ayaa waxay kala yihiin: Madaxweynayaasha dalalka Masar, Tunisia, Koonfurta Afrika iyo Nigeria.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts