HomeWararDuubabka Dhaqanka Beesha Mundulood oo Ugaaska Beesha Murusade u muujiyey Kalsoonida Taageeradooda...

Duubabka Dhaqanka Beesha Mundulood oo Ugaaska Beesha Murusade u muujiyey Kalsoonida Taageeradooda ee Ra’isul-wasaare Kheyre.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Munaasabad ay ku shirayeen Odayaasha Dhaqanka ee qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay  lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho. Kulankaasi waxay Duubabka Dhaqanka Beesha Mundulood iyo Ugaaska Beesha Murusade kaga wada arrinsadeen Taageeridda Ra’isul-wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federalka, Md.Xasan Cali Kheyre. Ugaaska Beesha Murusade, Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Munaasabad ay ku shirayeen Odayaasha Dhaqanka ee qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay  lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Kulankaasi waxay Duubabka Dhaqanka Beesha Mundulood iyo Ugaaska Beesha Murusade kaga wada arrinsadeen Taageeridda Ra’isul-wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federalka, Md.Xasan Cali Kheyre.

Ugaaska Beesha Murusade, Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi Fara-cadde oo ka hadlay Munaasabadaasi ayaa ka codsaday Odayaasha Beelaha Mundulood iyo Habar-gidir  inay taageero buuxda siiyaan Magacaabista Ra’isul-wasaare Kheyre iyo La-shaqeynta Xukuumadda uu soo dhisi doono.

- Advertisement -

Nabadoon Muxiyadiin Xasan Cali “Darba-weyne” oo ku hadlay magaca Dhaqanka Mundulood ayaa sheegay inuu Labada Beelood ka dhexeeyo Dhalasho, Dhaqan iyo Deegaan, isla markaana ay yihiin Walaalo aad isku qadariyo Dhaqan ahaan iyo Siyaasad ahaan.

Nabadoonka waxa uu carrabka ku dhuftay inay Odayaasha Dhaqanka Mundulood kalsooni Taageero buuxda leh siinayaan Ugaaska Beesha Murusade, soona dhaweynayaan Magacaabista Ra’isul-wasaare Kheyre.

Waxa uu intaasi ku daray inay Beel kasta markeeda wax hoggaaminayso  oo uu Xilku yahay meerto, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay soo dhaweynayaan in Xilka Ra’isul-wasaaraha loo dhiibo Siyaasi ka soo jeeda Beeshaasi.

Dhinaca kale, Ugaaska Beesha Murusade, Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi Fara-cadde ayaa isagana ka mahad celiyey Taageeradaasi, wuxuuna xusay inay Walaalahooda ka filayeen Taageeraddaas Kalsoonida xambaarsan.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Imaamka, Ugaaska, Suldaanka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Mundulood, Ugaaska Beesha Habar-gidir, Ugaas Cabdi Daahir iyo Duubabka Dhaqanka ee Beesha Murusade.

Kulanka ay Odayaasha Mundulood iyo Murusade yeesheen waxa uu yimid maalmo kadib, markii uu Ra’isul-wasaare Kheyre uu Shir Khaas ah la yeeshay Siyaasiyiinta Beesha Mundulood ee Barlamaanka iyo Xukuumadda Federalka.

 

Isbuucii la soo dhaafay, Madaxweyne Farmaajo waxa uu Villa Somalia ku casuumay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka Mundulood, oo ay kaga arrinsadeen Arrimaha Dhismaha Dowladda.

Madaxweynaha iyo Odayaasha waxay ku wada casheen isku fadhi, waxaana la sheegay inay isla casheeyeen oo ay wada buneysteen.

©Radio Dalsan

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts