HomeWararFaahfahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay degmada Wadajir.

Faahfahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay degmada Wadajir.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wararka ugu dambeya ee aanu ka heleyno Xaafdaa Kaawogodey ee degmada Wadajir ayaa sheegaya in qarax khasaare geystay oo duhurnimadii manta ka dhacay ay sisootarayaan walyeelada uu geystay. Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari Haari ah oo la dhigay meel qaadka lagu ibiyo isla markaana uu qarxay xili goobtu ay aad […]

- Advertisement -

Wararka ugu dambeya ee aanu ka heleyno Xaafdaa Kaawogodey ee degmada Wadajir ayaa sheegaya in qarax khasaare geystay oo duhurnimadii manta ka dhacay ay sisootarayaan walyeelada uu geystay.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari Haari ah oo la dhigay meel qaadka lagu ibiyo isla markaana uu qarxay xili goobtu ay aad u mashquul badneed.

- Advertisement -

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay  in ay aheyd suuq mashquul badan uu ku yaal xafada Kaawogodey oo lagu iibiyo qaadka sidoo kalana ay ku yaalaan dukaamo heer kasta leh iyada oo la sheegayo in gebi ahaanba goobhi ganacsi ee ku dhawa ay burbureen sida  ay inoo shegeen ilo wareedyo degaanka ah.

Waxa la sheegay in qarax ay ku dhinteen dad gaaraya 30-qof oo skugu jirta Askar iyo dad shacaba oo usoo dukameysi tegay suuqa,Sidoo kalana waxaa dhawacyo ay soogareen dad 20-meeyo kor u dhaafaya.

Gaadiidka gurmadka ayaa qaaday dhawacyada waxaana isootaraya waqti kasta heerka khasaaraha ee uu geystay qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan,Askarta ayaa rasaas kukala eryay dadkii ku sooxoomay goobta uu qaraxu ka dhacay.

- Advertisement -

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories