HomeWararMadaxweynaha Soomaaliya oo kulan looga hadlay ladagaalanka Musuq-masuqa la qaatay wasiirada cadaaladda...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan looga hadlay ladagaalanka Musuq-masuqa la qaatay wasiirada cadaaladda iyo Maamiyadda.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Akhriso hadalka  madaxweynaha iyo wasiirda oo qoraal ah.     Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha Caddaaladda iyo Maaliyadda, waxa uuna kala hadlay hufnaanta nidaamka Maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sharreynta sharciga dalka. Kulanka Maaliyadda waxaa guddoominayey Madaxweynaha, waxaana fadhiyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha, Wasiir Ku Xigeenka, […]

- Advertisement -

Akhriso hadalka  madaxweynaha iyo wasiirda oo qoraal ah.

 

- Advertisement -

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha Caddaaladda iyo Maaliyadda, waxa uuna kala hadlay hufnaanta nidaamka Maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sharreynta sharciga dalka.

Kulanka Maaliyadda waxaa guddoominayey Madaxweynaha, waxaana fadhiyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha, Wasiir Ku Xigeenka, Agaasimaha Guud ee Wasaaraadda, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Xisaabiyaha Guud, waxaana warbixin looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in daah-furnaanta Maaliyadda iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ay yihiin waxyaabaha ugu horreeya ee uu mudnaanta siinayo si shacabka Soomaaliyeed ay ugu kalsoonaadaan dowladda. Waxa uu faray hay’adaha maaliyadda in laga digtoonaado wax walba oo keeni kara in lagu kaco lunsiga hantida dadweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu yiri “musuqmaasuqa ma aha oo kaliya in shaqaalaha hoose lagala dagaallamo. Waa in xafiisyada dalka ugu sarreeya ay noqdaan kuwa ka caafimaad qabo musuqmaasuqa. Waxaan farayaa hay’adaha maaliyadda in ay kasbadaan kalsoonida canshuur bixiyeyaasha. Shaqada ugu horreyso ee aan ka dooneyno hay’adahan waa in shaqaalaha ka hawl gala xafiisyadaas in ay helaan mushaar joogta oo ay uga fogaan karaan in ay ku takri falaan amaanada loo dhibay.”

                               

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay Wasiirka Cadaaladda, Wasiiru Dowlaha, Wasiir ku Xigeenka Xeerl Ilaaliyaha Guud, Taliyaha Asluubta iyo saraakiisha Wasaaraddaasi, waxaana kulankaasi looga hadlay dib u habeynta laamaha garsoorka dalka.

“Waxyaabaha dadka Soomaaliyeed ay baahida weyn u qabaan waxaa kamid ah in sharciga loo sinnaado oo qofkii dambi lagu helo lagu ciqaabo. Waxaan rajeynayaa in hay’adaha Garsoorka, Maxakmadaha, Booliiska, dambi baarista iyo asluubta in ay wada shaqeeyaan oo qolo walba ay kaalinteeda si hufan u hawlgaliso. Waxaa kale oo muhiim ah in la kobciyo aqoonta garsoorayaasha si aysan u qaadan xukunno khaldan oo ku xadgubayo qof aan waxba galabsan.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

View photo in message

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in la dardargelin doono magacaabista Golaha Adeegga Garsoorka oo ay xukuumaddii hore bilowday balse wali aan la dhameystirin. Golaha Adeegga Garsoorka ayaa ah hay’addii anshax marin lahayd Garsoorayaasha, sidaas darteedna loo baahanyahay in si degdeg ah hawshaasi loo fuliyo.

 

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in musuq maasuqa iyo caddaalad darrada meel looga soo wada jeesto maadaama ay saldhig u yihiin dowlad xumada iyo amni darrada dalka ka jirta.

 

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories