HomeWarar63% Muwaadiniinta Kenya oo doonaya in Ciiddankooda laga soo saaro gudaha Somalia.

63% Muwaadiniinta Kenya oo doonaya in Ciiddankooda laga soo saaro gudaha Somalia.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Sahan Ra’yi Ururin oo ay Waaxda Cilmi-baarista ee Idaacadda “The Radio Africa Research department “ dhex dhigtay Dadka Kenyanka ayaa waxay 63% sheegeen inay doonayaan in Ciiddanka Kenya laga soo daad-gureeyo Hawlgalka ay u joogaan gudaha dalka Somalia. Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in 37% Dadka Reer Kenya inay doonayaan inay Ciiddanka sii joogaan Somalia […]

- Advertisement -

Sahan Ra’yi Ururin oo ay Waaxda Cilmi-baarista ee Idaacadda “The Radio Africa Research department “ dhex dhigtay Dadka Kenyanka ayaa waxay 63% sheegeen inay doonayaan in Ciiddanka Kenya laga soo daad-gureeyo Hawlgalka ay u joogaan gudaha dalka Somalia.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in 37% Dadka Reer Kenya inay doonayaan inay Ciiddanka sii joogaan Somalia iyo inay sii wadaan La-dagaalanka Xarakadda Alshabaab.

- Advertisement -

80% Cod-ururinta oo laga qaaday 2,000 oo qof ayaa waxay Dowladda Kenya ugu baaqeen inay si sharaf leh u shaaciyaan Khasaaraha Ciiddanka Kenya ka soo gaaray Weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab la beegsadeen.

Sidoo kale, 80% waxay  sheegeen inaysan rumeysanayn Tiradda ay Dowladda ka soo saartay Ciiddankii Kenyanka ee lagu dilay Weerarkii Alshabaab bishii hore ku qaadeen Xeradda Kul-biyow.

 

- Advertisement -

Sidoo kale, Dowladda Kenya waxay weli diidan tahay inay shaaciyaan Khasaarihii Ciiddankooda ka soo gaaray Weerarkii Alshabaab ay bartamihii bishii Janaayo ee sannadkii hore la beegsadeen Ciiddankii Kenya ee joogay Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa isa soo tarayo Baaqa ku aadan inay Ciiddanka Kenya laga soo daad-gureeyo Somalia oo ay galeen bishii October ee sannadkii 2011-kii.

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories