HomeWarar(WARBIXIN): Maxay Maamulka Somaliland ku qoonsadeen Madaxweyne Farmaajo?

(WARBIXIN): Maxay Maamulka Somaliland ku qoonsadeen Madaxweyne Farmaajo?

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Olol-siyaasadeedkii ugu dhamacda kululaa ayaa waxay Siyaasiyiinta Maamulka Somaliland (Muxaafid iyo Mucaarad) si daran-doori ah ugu hayaan Madaxweynaha cusub ee JFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isaga wax ka yar hal isbuuc ka hor xilkaasi loo doortay.

Soo-dhaweynta Doorashadda Madaxweyne Farmaajo waxaa hareeyey Hadalladda xanafta leh ee Siyaasiyiinta Somaliland sida mutuxan ugu weerarayaan Madaxweyne Farmaajo, kuna goodiyeen inay iska celinayaan.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo” ayaana ugu horreeyey Siyaasiyiinta weerarka dhinaca Afka kaga hortegay Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna carrabka ku dhuftay Digniin ku aadan Faragelinta Arrimaha Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa isagana sheegay inay Madaxweyne Farmaajo ku qaabili doonaan waxa uu la yimaado Qadhaadh iyo Macaan, wuxuuna uga digay inuusan la mid noqonin Madaxweynaha aan weli xilka wareejinin, Xasan Sheekh Maxamuud.

Faysal Cali Waraabe oo ah Muwaadin haysta Dhalashadda Finland waxa uu isku lamaaniyey Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii Dowladdii Kacaanka, Marxuum Jaalle Maxamed Siyaad Barre, isagoo sheegay inay Farmaajo la dagaalami doonaan haddii uu raaco waxa uu ugu yeeray Dhabihii uu Adeerkiisa J.lle Siyaad horey u jeexay.

Hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqdo hadal Xanaf culus  leh, waxayna Aqoonyahannadu rumeysan yihiin inuu ku fududaaday  inuu isku laro Madaxweyne Farmaajo iyo  J.lle Siyaad oo ay isku hayb yihiin.

Marka la eego Sooyaalka Taariikheed ee Madaxweyne Farmaajo wax lug ah kuma lahayn Falalka  Dowladdii Kacaanka lagu eedeeyo, mana ahayn Taliye ka qeyb galay Dagaalkii Ciiddanka Dowladda Kacaanka iyo Maleeshiyaddii Jabhadda SNM ku dhex maray Goballadda W/Galbeed, Togdheer iyo Awdal.

Dowladda Kacaanka waxay xilligaasi ka hor tegaysay Qorshihii SNM ku doonayeen inay kga go’aan Jamhuuriydda Somalia, waxaana la sheegaa inay labada dhinac geysteen Xadgudubyo.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo” waxa uu ka mid ahaa Siyaasiyiintii la soo shaqeeyey Dowladdii Kacaanka, isagoo xilal sare ka soo qabtay.

Inkastoo uusan Madaxweyne Farmaajo weli ka hadlin Eedeymaha Reer Somaliland, haddana waxaa xaqiiqo ah inay Siyaasiyiinta Somaliland ku jiraan Dagaal Diplomaasiydeed dadban oo Ictiraf-doon ah.

Dadka Siyaasadda taxliiliya ayaa rumeysan in Ujeeddo Dihan laga leeyahay Eedeymaha Siyaasiyiinta Reer Somaliland ay qaab wadareedka u mucaaradayaan Madaxweynaha cusub ee JFS, waxaana suurto-gal in Casharka daaha gadaashiisa looga yeerinayo.

Arrin kale ayaa lagu fasiri karaa Eedeymaha Maamulka Somaliland ka soo yeeray inay tahay iyagoo doonaya inay hagoog ku qariyaan Is-qabsiga iyo muranka ka taagan Heshiiska Dowladda Imaaraadka  lagu siinayo Saldhigga Milliteri  ee magaalladda Berbera.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Siyaasiyiintaasi ay door bideen inay Warbahinta ka dhex muuqdaan si uu dhawaaqooda u gaaro Beesha Caalamka oo 26-sanno kadib  aan la dhacsnayn Qorshaha Somaliland ee Gooni-isku-taagga.

 

Si kastaba ha ahaatee, Eedeymaha Maamulka Somaliland ku naqdiyaan Madaxda DFKMG ma aha mid ugub ah, balse waa mid soo jirtay tan iyo Madaxweynayaashii hore ee la soo doortay wixii ka dambeeyey Burburkii Dowladnimo ee Somalia sannadkii 1991-kii.

 

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories