HomeWararGolaha Wakiilada Soomaaliland oo ogolaaday in imaaraadku Saldhig Milatari ka Sameysto  Berbera.

Golaha Wakiilada Soomaaliland oo ogolaaday in imaaraadku Saldhig Milatari ka Sameysto  Berbera.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

  Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka soomaaliland maanta golaha wakiiladu waxaa ay ansixiyeen in dowlada imaaraadka carabta saldhig milatari ay kasmeysan karto magaalada dekeda leh ee Berbera kadib golaha wakiilada oo dood adag ka yeeshay soo jeedintaasi. Golaha wakiilada ee soomaaliland ayaa ogolaaday in imaaradku saldhig milatari ka sameysto gudaha magaalada Berbera oo mudooyinkaan madaxda […]

- Advertisement -

 

Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka soomaaliland maanta golaha wakiiladu waxaa ay ansixiyeen in dowlada imaaraadka carabta saldhig milatari ay kasmeysan karto magaalada dekeda leh ee Berbera kadib golaha wakiilada oo dood adag ka yeeshay soo jeedintaasi.

- Advertisement -

Golaha wakiilada ee soomaaliland ayaa ogolaaday in imaaradku saldhig milatari ka sameysto gudaha magaalada Berbera oo mudooyinkaan madaxda maamulku ay isku khilaafsanaayeen, waxaana 44-tan mudane oo labada gole ee wakiilada maamulka soomaaliland ay ku  codeeyeen Haa iyadoo Laba kamid ah mudanayaashu ay yiraahdeen maya sidaasina lagu meel mariyey  heshiisakaas oo ay Berbera dowlada imaaraadku kaga sameysaneyso Saldhig Milatari.

Indhawaanahan arintaasi waxaa diidanaa qaar kamid ah madaxda maamulka soomaaliland oo iyagu ka hor imaanayey in saldhig milatari imaaraadku ka furto magaalada Berbera ee soomaaliland taaso maantana golaha wakiilada maamulkaas ay meel mariyeeen heshiiskaas sidaasina imaaraadku Magaalada Berbera uga sameysanayo saldhig Milatari oo ay leedahay dowlada ImaaraadkaCarabta.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories