HomeWararGuddoomiye Jawaari oo ka digay Adeegsiga Musuqa ee xilliga Doorashadda Madaxweynaha.

Guddoomiye Jawaari oo ka digay Adeegsiga Musuqa ee xilliga Doorashadda Madaxweynaha.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Qaranka, Maxamed Shiikh Cusmaan “Jawaari” ayaa sheegay in qof kasta oo qeyb ka ah Adeegga Dowladda ee lagu helo  Fal Musuq ah in lala tiigsan doono Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Isagoo ka hadlayey Khudbad-jeedinta 9-kii Murashax Madaxweyne ee maanta hor tegay Xildhibaanadda BFS ayaa ku nuuxnuuxsaday  in Shaqsiga lagu helo musuq inuu muteysan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Qaranka, Maxamed Shiikh Cusmaan “Jawaari” ayaa sheegay in qof kasta oo qeyb ka ah Adeegga Dowladda ee lagu helo  Fal Musuq ah in lala tiigsan doono Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Isagoo ka hadlayey Khudbad-jeedinta 9-kii Murashax Madaxweyne ee maanta hor tegay Xildhibaanadda BFS ayaa ku nuuxnuuxsaday  in Shaqsiga lagu helo musuq inuu muteysan doono Xabsi u dhexeeya 3 sanno ilaa 10-sanno, Ganaax Lacageed iyo in laga mamnuuco  in Xil Dowladood loo magacaabo.

- Advertisement -

Guddoomiye Jawaari waxa kale oo uu sheegay inuu Xeerkasi qaban doono Odyaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka iyo Dadka sida mutadawacnimadda ugu adeega Bulshadda.

Waxa uu ugu baaqay Hay’addaha Garsoorka inay boorka ka jafaan Xeerka Ciqaabta ee La-dagaalanka Musuqa, wuxuuna kula dardaarmay inay Garsoorayaasha dib u firrinin Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Nuxurka hadalkiisa ayaa u muuqda mid looga digayo Murashixiinta Madaxweynaha iyo Xildhibaanadda inaysan ku kadsoomin Musuqa, iyadoo bishan February 8-da la dooran doono Madaxweynaha cusub ee JFS.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreeysay ee uu Guddoomiyaha BFS carrabka ku dhufto La-dagaalanka Musuqa, iyadoo la og yahay inay Dowladda Somalia sannadkii 10-aad safka hore kaga jirto dalalka Caalamka ee uu musuqu la degay.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts