HomeWarar(FAALLO): Murashixiinta Madaxweynaha oo Ajendahooda Doorashada ka iibinaya Xildhibaanadda.

(FAALLO): Murashixiinta Madaxweynaha oo Ajendahooda Doorashada ka iibinaya Xildhibaanadda.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

  8 ka mid ah 24-ka Tartame ee u taagan Xilka Madaxweynaha JFS ayaa maanta hor tegay Xildhibaanadda Labada Aqal ee BFS, si ay ugu gudbiyaan Qorshe-hawleedka uu Murashax kasta ku talamayo inuu dalka ku hoggaamiyo, haddii Madaxweyne loo doorto. Hadal-jeedinta Tartamayaasha ayaa loo arkaa inay tahay Muraayad laga dheehan karo hadba Hal-beegga Murashax kasta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 

8 ka mid ah 24-ka Tartame ee u taagan Xilka Madaxweynaha JFS ayaa maanta hor tegay Xildhibaanadda Labada Aqal ee BFS, si ay ugu gudbiyaan Qorshe-hawleedka uu Murashax kasta ku talamayo inuu dalka ku hoggaamiyo, haddii Madaxweyne loo doorto.

- Advertisement -

Hadal-jeedinta Tartamayaasha ayaa loo arkaa inay tahay Muraayad laga dheehan karo hadba Hal-beegga Murashax kasta lagu qiimeyn karo Heerkiisa iyo inuu u qalmo inuu  Hoggaamiye Qaran ku noqon karo.

Waa xaallad uu Murashax kasta culayska ku saari doono sidii uu Xildhibaanadda uga iibin lahaa Qorshihiisa Shaqo iyo Qof Ahaantiisa, waana macquul inay Xildhibaanada ku kala aragti duwanaadaan Qiimeyntooda ku aadan Hadal-jeedinta 24-ka Tartame ee bishan February 8-da ku kala bixi doono Doorashadda Madaxtinimadda ee JFS.

Haddaba, Safka Koowaad ee Murashxiinta Madaxweyne ee maanta hadal-jeedinta ku qoran ayaa kala ah:-

- Advertisement -
  1. Xasan Sheekh Maxamuud
  2. Shariif Sheekh Axmed.
  3. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
  4. Jibriil Ibraahim Cabdulle
  5. Saciid Cabdullaahi Deni
  6. Saciid Ciise Maxamuud
  7. Axmed Maxamed Cabdi iyo
  8. Bashiir Raage Shiiraar.

Kasbashadda Kalsoonida Xildhibaanadda BFS ayaa u muuqata inaysan ku imaan karin Bandhig Siyaasadeedka Murashixiinta oo iyagu laga filayo inay jeediyaan Khudbado ay ku dheehan tahay Hiigsiga Ajendayaal Siyaasadeed, Amni, Dowlad-wanaag, Horumarinta Bulshadda iyo soo-celinta Midnimadda iyo Sharaftii Diplomaasiyadeed ee Somalia.

Inkastoo la xadiday xilliga Khudbadaha Murashixiinta ayaa waxaa haddana dhici karta inay Xildhibaanadda si dheelitiran u wada dhegeysan doonin Khudbadaha 24-ka ee Murashax, inkastoo uu Guddoomiyaha Barlamaanka, Prof. Jawaari  ka shanqariyey inaysan Xildhibaanadda kala xulanin dhegeysiga Khudabadaha Murashxiinta.

Waa hubaal inay Tartamayaashasi  si Codkarnimo leh u soo jeedin doonaan Khudbadahooda, inkastoo ay ku adkaan doonta sida ay Xildhibaanadda uga iibiyaan Ajendayaasha ay la soo shir tagaan.

Sidoo kale, Xildhibaan kasta waxa uu u madax bannaan yahay qiimeyntiisa iyo inuu go’aansado Murashaxa uu u arko inuu Codkiisa ugu yaboohi doona maalinta Doorashadda Madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu Waayuhu na soo baray, Murashax kasta oo Madaxweyne waxa uu u xusul-duubaa Beer-laxawsi Siyaasadeed, Xodxodosho iyo inuu xeellad kasta ku raadiyo si isaga loogu codeeyo, balse waxa uu qorshuhu isbedelaa marka Madaxweyne la doorto inay  xaalladdu inta badan ku soo hooraan “La-mood, balse noqon weyday’”.

©Radio Dalsan

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts