HomeWararMadaxweynaha xilka sii haya ee Somalia oo aan ka qeyb geli doonin...

Madaxweynaha xilka sii haya ee Somalia oo aan ka qeyb geli doonin Shir-madaxeedka Ururka Midowga Afrika ee AU-da.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Shirka 28-aad ee caadiga ee Madaxda Dowladaha Afrika ayaa la filayaa inuu berrito ka furmo Xarunta Dhexe ee AU-da oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba. Shirkaasi oo socon doona muddo 2 maalmood ayaa waxay Madaxda Dowladaha Afrika ku marti-gelin doonaan Shirweyne kale oo ay ka qeyb geli doonaan Hoggaamiyayaal ka kala socda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shirka 28-aad ee caadiga ee Madaxda Dowladaha Afrika ayaa la filayaa inuu berrito ka furmo Xarunta Dhexe ee AU-da oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Shirkaasi oo socon doona muddo 2 maalmood ayaa waxay Madaxda Dowladaha Afrika ku marti-gelin doonaan Shirweyne kale oo ay ka qeyb geli doonaan Hoggaamiyayaal ka kala socda Dalalka Caalamka iyo Siyaasad-sameeyayaasha (Policy makers).

- Advertisement -

Inta badan Madaxweynayaasha Afrika waxay joogaan Addis Abeba, halka kuwo kalena ay ku sii wajahan yihiin, marka laga reebo Madaxweynaha Somalia ee sii-hayaha xilkaasi, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ah Murashax Madaxweyne.

- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating  waxa uu horey u sheegay inuusan Xasan Sheekh ka qeyb geli karin Shirarka Caalamka, balse uu Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Somalia, C/salaam Omar Hadliye u matali doono Somalia Shirarka Caalamiga.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika waxaa lagu wadaa inay maalinta berrito doortaan Guddoomiyaha cusub ee AU-da iyo Ku-xigeenkiisa, waxaana xilka Guddoomiyaha u taagan Murashixiin ka kala socda Kenya, Botswana, Equatorial Guinea, Chad, Senegal iyo Uganda.

©Radio Dalsan

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts