HomeWararMurashixiin Madaxweyne oo is-diiwaan gelisay iyo Murashax Madaxweyne dhoofay.

Murashixiin Madaxweyne oo is-diiwaan gelisay iyo Murashax Madaxweyne dhoofay.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Iyadoo Diiwaan-gelinta Murashixiinta Madaxweynaha weli socoto ayaa waxaa maanta is-diiwaan geliyey ilaa 4 Murashax, kuwaasi oo buuxiyey Shiruudihii Is-diiwaan-gelinta. Murashixiinta Maxamed Axmed Nuur “Tarzan”, Ambassador Maxamed Cali Ameriko, Bashiir Raage iyo C/naasir Maxamuud Cabdulle. Guddiga Doorashadda Madaxweynaha oo u qaabilsan Diiwaan-gelinta Murashixiinta ayaa hubiyey inay  Murashixiinta mid kasta bixiyey Lacagaha is-diiwaan gelinta oo dhan 30,000 […]

- Advertisement -

Iyadoo Diiwaan-gelinta Murashixiinta Madaxweynaha weli socoto ayaa waxaa maanta is-diiwaan geliyey ilaa 4 Murashax, kuwaasi oo buuxiyey Shiruudihii Is-diiwaan-gelinta.

Murashixiinta Maxamed Axmed Nuur “Tarzan”, Ambassador Maxamed Cali Ameriko, Bashiir Raage iyo C/naasir Maxamuud Cabdulle.

- Advertisement -

Guddiga Doorashadda Madaxweynaha oo u qaabilsan Diiwaan-gelinta Murashixiinta ayaa hubiyey inay  Murashixiinta mid kasta bixiyey Lacagaha is-diiwaan gelinta oo dhan 30,000 oo Dollar, ka hor inta aan la wada siinin Shahaadada Caddaynta Murashaxnimo.

Waxaa sidoo kale is-diiwaan geliyey Murashixiinta Madaxweyne ee kala ah: Cumar C/rashiid, Maxamuud Maxamed Culusow iyo C/qaadir Cosoble.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Murashax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Murashixii ugu horreeyey Is-diiwaan gelinta ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde.

Sida ay sheegeen xubnaha Ololihiisa Doorashadda, waxa uu Murashax Sheekh Shariif u safray magaalladda Nairobi, ka hor inta uusan u soo baqoolin dal kale oo aan la carabaabin.

Murashax Sheekh Shariif oo ahaan jirey Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG iyo Guddoomiyihii Golaha Maxkamadaha Islaamka waxa uu ka mid yahay Murashixiinta ugu cadcad Loolanka Madaxtinimadda ee la qaban doono bisha soo socota ee February 8-da.

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories