HomeWararKenya oo ka digtay weerar cusub oo ay Alshabaab la beegsadaan Xarumaha...

Kenya oo ka digtay weerar cusub oo ay Alshabaab la beegsadaan Xarumaha W/barashadda ee Nairobi.

Date:

Related stories

Turkey Expands Its Role in Counterterrorism Operations in Somalia

"Türkiye will directly support the efforts of Somali forces against Al-Shabaab and ISIS," Fidan said, elaborating on plans to expand security cooperation and counterterrorism operations.

Ma runbaa in Pentagon-ku beddelay koodhka nukliyeerka?

Ma runbaa in Pentagon-ku beddelay koodhka Nukliyeerka? Maqaalkan waxaan ku lafagurnay xaqiiqada ka dambaysa sheegashooyinka baraha bulshada,

Somali Forces Crush Al-Shabaab, 33 Militants Killed in Major Raid

Somalia's intelligence agency has delivered a major blow to Al-Shabaab, killing over 33 militants in a series of coordinated operations in the Middle Shabelle region, dismantling key hideouts and logistical networks.

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Sarkaalka Waaxda Dembi-baarista Boliska Nairobi, Nicholas Kamwende ayaa soo saaray Qoraal uu kaga digayo inay Alshabaab weeraro ka geysan doonaan Xarumaha Waxbarashadda ee Nairobi.

Waxa uu tilmaamay inay Haween ka tirsan Alshabaab oo haatan ku sugan Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi fulin doonaan Weerarkaasi, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna xusay in Weerarka ay qorsheynayaan Alshabaab la mid yahay  Weerarkii ka dhacay Jaamacadda Garissa, laguna dilay in ka badan 140-Arday.

Qoraalka Digniinta ee uu ku saxiixnaa Sarkaalka Waaxda Dembi-baarista Boliska Nairobi, Nicholas Kamwende oo dhex waregysa Warbaahinadda Bulshadda waxaa kaloo lagu xusay in Qorshaha Weerarka Nairobi lagu diyaarinayo magaalladda Mandera iyo in taageeradda dhinaca Loojistikada loo soo diri doono Nairobi, ka hor dhamaadka bishan January.

Qoraalkaasi oo loogu magac daray “Warbixinta Xaalladda”, kuna taariikheysnayd shalay oo taariikhdu ahayd bishan January 27-dii ayaa lagu soo beegay Weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab  shalay ku qabsadeen Xeradda Askarta Kenya ku lahaayeen Degaanka Kul-biyow oo 18-KM u jirta xuduudka Somalia la wadaagto Kenya.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay sheegeen inay weerarkaasi ku dileen 50-Askari oo Kenyan ah, kuna qabsadeen hub iyo Tekniko.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Kenya,  Kolonel Paul Njuguna  ayaa sheegtay in 9 Askari looga dilay Duullaankaasi,  wuxuuna beeniyey wararka madaxa bannaan ee lagu shaaciyey khasaaraha ay Kenya kala kulmeen weerarkaasi.

©Radio Dalsan

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories