HomeWararArday Somali-Kenyan ku biiri lahaa Daacish-ta ka dagaalanta Puntland oo la qabtay.

Arday Somali-Kenyan ku biiri lahaa Daacish-ta ka dagaalanta Puntland oo la qabtay.

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Ciiddanka Boliska Kenya ayaa la sheegay inay shalay gacanta ku soo dhigeen Labadaas Arday oo lagu kala magacaabo Maxamed Shukri iyo C/risaaq C/nuur, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish-ta ka dagaalanta Puntland. Labadaasi Arday oo ka mid ah Dufcadda ugu dambeysay ee Ardayda baratay Cilmiga Caafimaadka ayaa laga soo qabtay […]

- Advertisement -

Ciiddanka Boliska Kenya ayaa la sheegay inay shalay gacanta ku soo dhigeen Labadaas Arday oo lagu kala magacaabo Maxamed Shukri iyo C/risaaq C/nuur, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish-ta ka dagaalanta Puntland.

Labadaasi Arday oo ka mid ah Dufcadda ugu dambeysay ee Ardayda baratay Cilmiga Caafimaadka ayaa laga soo qabtay  Hawlgal ay Boliska Nairobi iyo kuwa Mombasa ku qaadeen Isbitaal Gobaleedka ku yaalla magaalladda xeebta leh ee Malindi.

- Advertisement -

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi uayaa maanta qoray inay Baaritaano Hordhac muujinayaan in Maxamed Shukri horey uga mid noqday Shabakadda Daacish, isla markaana ay Boliska kashifeen inuu qorsheynayo inuu Maadada Antarakiska (Anthrax) u adeegsado waxa loogu yeeray Weerar Argagixiso.

MEDICAL2Labada Arday waxaa kaloo la sheegay inay dcoonayeen inay Dukumentiyo Been Abuur ugu soo safraan Puntand, si ay ugu biiraan Maleeshiyadda Daacishta Somalia ee uu madaxda u yahay Sheekh C/qaadir Muumin.

Dhinaca kale, Wargeyska The Star waxa uu qoray in Warbixino dhinaca Sirdoonka muujinayaan inay Labadaa Arday ee Maxamed Shukri iyo C/risaaq C/nuur qeyb ka yihiin Arday baratay Cilmiga Bayo-Kimistiri (Biochemistry) oo  Deeq Waxbarasho ka heelay Jaamacadda Saratoy University ee dalka Raashiya.

- Advertisement -

Qaar ka mid ah Ardaydaas ayaa la sheegay inay qorsheynayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish

Boliska Kenya ayaa tilmaamay inay dhegeysteen Wada sheekeysi labada       Arday ku dhex maray Isgaarsiinta oo ay kaga hadleen qorshaha Socdaalkooda ay ugu biiri lahaayeen Kooxda Daacish.

Labada Arday oo ka soo jeeda magaalladda Mandera ee W/bari Kenya ayaa la sheegay inay xiriir la lahaayeen Arday kale oo  lagu magacaabo Maxamed Cabdi Cali, kaasi oo ay Boliska Kenya xireen bishii May ee sannadkan.

Waxaana lagu eedeeyey inuu qorsheynayey inuu fuliyo Weerar Biological Attack ah.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories