HomeWararMaxkamad ku taalla Britain oo xukun ku riday Somali-Finnish ku biiri lahaa...

Maxkamad ku taalla Britain oo xukun ku riday Somali-Finnish ku biiri lahaa Kooxda Daacish.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Cubayda Xasan Jaamac oo 19 jir ah ayaa lagu soo oogay inuu Kharajka Jaamacadda u isticmaalay inuu ku raaco Diyaarad, si uu ugu biiro Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq. Ardaygaasi oo haysta Dhalashadda dalka Finland ayey Boliska Britain waxay bishii Feberaayo ee sannadkii hore soo qabteen isagoo la socday Diyaarad  ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Cubayda Xasan Jaamac oo 19 jir ah ayaa lagu soo oogay inuu Kharajka Jaamacadda u isticmaalay inuu ku raaco Diyaarad, si uu ugu biiro Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

Ardaygaasi oo haysta Dhalashadda dalka Finland ayey Boliska Britain waxay bishii Feberaayo ee sannadkii hore soo qabteen isagoo la socday Diyaarad  ay leedahay Shirkadda RyanAir flight  oo ku sii jeeday caasimadda dalka Romania ee Bukharest.

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Boliska Britain ayaa lagu sheegay Cubayd Xasan Jaamac inuu ahaa Arday Cilmiga Kombiyuutarada ka barta Jaamacadda Middlesex University, isla markaana ay ku qabteen caddymo badan oo muujinaya inuu qorsheynayey inuu ku biiro Kooxda Daacish.

Boliska Britain waxay guriga Ardaygaasi oo ku yaalla Koonfurta London ka heleen Qoraalo  muujinaya qaabka loo sameeyo waxyaabaha qarxa iyo Filimo Video oo ay muujinaya Kooxda Daacish oo dad surka ka jartay ,qalab kale oo loo adeegsan karo in wax lagu dilo iyo Khariidada dalka Turkiga.

Boliska waxay kaloo sheegeen inay heleen Qoraal muujinaya Liiska Shaqo  ee uu dooran karo marka uu ku biiro Kooxda Daacish, kuwaasi oo kala ah: Xarun Warbaahin, Kalkaaliye Isbitaal, Makaaniko, Waaxda farsamayso Qaraxyadda, Macallim Madarasadda iyo Boliska Diinta ee Xisbah iyo Tababare Milliteri ee dhinaca Jir-dhiska.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Cubayd Xasan Jaama oo muddo  6 sanno Aabihiisa kula noolaa magaalladda London waxaa lagu xukumay  Xabsi dhan 3 sanno iyo bar.

00 003 002

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts