HomeWararSaraakiil badankooda Muslimiin ah oo iska casilay Ciiddanka Kenya.

Saraakiil badankooda Muslimiin ah oo iska casilay Ciiddanka Kenya.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi  ayaa qoray in Boqolaal ka tirsan Saraakiisha Ammaanka inay shaqooyinkooda iska casileen ama ay qorteen Waraaqaha Is-casilaadda shantii sanno ee la soo dhaafay. Saraakiisha oo badankooda ka tirsanaa Ciiddanka Difaaca Kenya (The Kenyan Defence Forces) ayaa sheegay inay Shaqooyinka Ciiddanka uga tageen sababo la xiriiray  Xaalladda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi  ayaa qoray in Boqolaal ka tirsan Saraakiisha Ammaanka inay shaqooyinkooda iska casileen ama ay qorteen Waraaqaha Is-casilaadda shantii sanno ee la soo dhaafay.

Saraakiisha oo badankooda ka tirsanaa Ciiddanka Difaaca Kenya (The Kenyan Defence Forces) ayaa sheegay inay Shaqooyinka Ciiddanka uga tageen sababo la xiriiray  Xaalladda Shaqada oo liidata iyo Eedeymo la xiriira inay taageeraan Kooxaha looguy yeero Argagixisadda.

- Advertisement -

Arrintan ayaa timid, iyadoo Hay’adda Sirdoonka Kenya iyo Garabka Sirdoonka Milliteriga si dhow u ilaaleeyaan Saraakiishaasi oo badankooda Muslimiin ah, kuna eedeeyaan inay Xag-jirnimo ka dhex wadaan  Hay’adda Ammaanka.

Wargeyska The Star ayaa soo ogaaday inay weli socdaan carrada xooggan iyo shakiga u dhexeeya Saraakiisha Hoose iyo Kuwa Sare ee Hay’adaha Ammaanka Kenya.

Xeeldheerayaasha ayaa ku baaqay inay xaalladda tahay mid   khatar ah.

- Advertisement -

Sarkaal codsaday inuu ka ruqseysto Ciiddanka Kenya ayaa u sheegay Wargeyska The  Star inaysan Taliyayaasha Milliteriga  rumeysnaan Karin iyaga, isla markaana ay niyad-jab kala kulmaan.

Waxa uu intaasi ku daray in isaga iyo  4 saaxiibadiisa ah loo diray Degmo ku taalla Xuduudka si ay ula dagaalamaan Alshabaab, balse iyaga dib looga yeeray Nairobi,  loona sheegay inaysan ka qeyb geli Karin Hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab.

Dhinaca kale, Saraakiisha sarsare ee Ammanka Kenya waxay ku eedeeyeen Saraakiisha codsatay inay iska casilaan Ciiddanka Ammaanka inay  yihiiun kuwo doonayo inay ku biiraan Xarakadda Alshabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya, Njoka Mwenda ayaa u shegay Wargeyska The Star inuu qoddobkaasi yahay mid khatar ah, una baahan yahay  inuu dhinacyo badan kala hadlo qoddobkaasi.

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel David Obonyo iyo Jeneral Isaiah Osugo ayaa la sheegay inaysan ka jawaabin Wicitaanka Wargeyska The Star.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts