HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh “Dalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumarin kara...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumarin kara tacliinta”

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray shirka dib u eegista tacliinta sare ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya oo ay Soomaaliya ka mid tahay kaasi oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday ee magaalada Muqdisho. Xafladda lagu soo xirayey shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka waxbarashadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray shirka dib u eegista tacliinta sare ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya oo ay Soomaaliya ka mid tahay kaasi oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday ee magaalada Muqdisho.

Xafladda lagu soo xirayey shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, masuuliyiinta Jaamacadaha dalka iyo wafuud ka socota caalamka oo shirka ka qeyb galayey.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey xafladda lagu soo xirayey shirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya muhiimad dheraad ah siin doonta tacliinta sare ee dalka. Madaxweynaha oo ka hadlayey waxbarsahadda Soomaaliya ayaa sheegay in dalka uu ka soo gudbay marxaladdo adag oo soo maray tacliinta dalka haatanna la gaarsiiyey meelo muhiim ah.

“Dalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumari kara tacliinta, sidaa darteed muhiimadeenu waa inaan sare marina tacliinta, waana mid ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee horumarinta dalka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri” Ma jirto maanta maalin aan uga baahi badanahay kobcinta iyo tayeynta nidaamkeena waxbarasho. Taacliinta sare kaalin weyn ayeey kaga jirtaa horumarka iyo xasilinta dalka”

- Advertisement -

Ugu dambeyntii heshiis iskaashi oo dhanka tacliinta sare ah ayaa gabagabdii soo xiritaanka xafladda shirka, waxaa ku kala saxiixday Jamaacadda Umadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda International African University ee dalka Sudan .

Dhammaad

Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Shirka 2
shirka 4
Shirka 3
shirka 6
Shirka 1
Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts