HomeWararSalaad Cali Jeelle: "Saalax Badbaado waxa uu ahaa Nin musalafay, lana maskax...

Salaad Cali Jeelle: “Saalax Badbaado waxa uu ahaa Nin musalafay, lana maskax rogay”.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimadda iyo Dimuqraadiyaadda, Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay inuu la amakaagay, markii uu maqlay inuu Ex-Xilkdhibaan Saalax Nuux Ismaaciil “Badbaado” ka mid ah Shaqsiyaadkii Alshabaab ee shalay isku qarxiyey Xarunta AMISOM ee magaalladda Muqdisho. Salaad Cali Jeele ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu maanta siiyey Radio Dalsan, wuxuuna sheegay inuu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimadda iyo Dimuqraadiyaadda, Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay inuu la amakaagay, markii uu maqlay inuu Ex-Xilkdhibaan Saalax Nuux Ismaaciil “Badbaado” ka mid ah Shaqsiyaadkii Alshabaab ee shalay isku qarxiyey Xarunta AMISOM ee magaalladda Muqdisho.

Salaad Cali Jeele ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu maanta siiyey Radio Dalsan, wuxuuna sheegay inuu Saalax Badbaado ku soo biiray Barlamaankii KMG wax yar ka hor inta uusan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ka deign Xilka Madaxweynenimo.

- Advertisement -

SAALAX BADBAADO“Saalax Badbaado waxaan isku baranay magaalladda Baydhabo, wuxuuna Booska Xildhibaanimo u banneeyey Nin lagu magacaabo Bilaal oo ay isku jufo ahaayeen” ayuu yiri Saalax Cali Jeelle.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Saalax Badbaado waqtigaas u ambabaxay Hargeysa, ka hor inta uusan  ka mid noqnin saamiga Xildhibaanaddii Isbahaysigii ARS ee Madaxweyne Sheekh Shariif  Sheekh Axmed  ka heleen  275-kii Xildhibaan ee lagu soo doortay Shirkii Jabuuti .

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle waxa uu sheegay inuu Saalax  Badbaado muddo kadib isaga tegay xubnnimadii Barlamaanka KMG, kadibna ay mudddo kadib maqleen inuu ku biiray Alshabab.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey sababaha uu Saalax Badbaado ugu biiray Alshabaab waxa uu yiri “Waxa ku kallifay inuu Saalax Badbaado ku biiro Alshabaab ayaan u malaynayaa inay tahay isagoo ahaa  Nin musalifay oo ay dhibaatooyin qoys haysteen” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo intaasi ku daray in Saalax Badbaado la duufsaday, oo uusan ahayn Nin ku aragti ahaa Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlayey  qaabka ay Saalax Nuux Ismaaciil ugu baxday naanaysta  “Badbaado” waxa uu tilmaamay  inay naanaysta u baxday  Xilligii Dowladda Kacaanka oo uu u  shaqeyn jirey Wakaalladii Badbaadada Shaqaalaha.

Dhinaca kale, Salaad Cali Jeelle, waxa uu ka dhawaajiyey in qaar ka mid ah Xildhibaanadii Dowladda KMG ay Saalax badbaado arkeen isagoo gaari ku dhex watay Muqdisho, ka hor inta uusan shalay isku qarxinin Xarunta AMISOM ee agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Ugu dambeyntii, Salaad Cali Jeelle waxa uu ku baaqay in Baaritaano dheeraad ah  lagu sameeyo sababaha uu isku qarxiyey Saalax Badbaado oo uu ku tilmaamay inuu ahaa Nin aan rumeysnayn Aragtida Alshabaab ee Xag-jirnimadda, Jihaadka  iyo Is-qarxintaba, waa sida uu hadalka u yiri.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts